Kadib markii filimka Tanhaji ganacsi 5 Crore gaarayo uu keenay todobaadkiisa lixaad sidoo kalena uu noqday filimka 5-aad lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa lixaad, waxaan dib ugu laabanay keedka shabakada BOI si aan idin kula wadaagno 10-ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen todobaadkooda lixaad.

Waxaana kaalinta kowaad ku filimka Uri kaasi oo sanadkii hore si waali ah todobaadkiisa lixaad kusoo xareeyay 11.59 Crore wuxuuna iskoorka kala wareegay filimkii weynaa Gadar – Ek Prem Katha oo mudo 18-sano ah rikoorkan heestay asigoo sanadii 2001 keenay 6.09 Crore todobaadkiisii lixaad.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen todobaadkooda lixaad kana soo xiganay keedka shabakada Boxoffice India (BOI) waana ganacsiga Af Hindi ku sameeyeen aflaanta ee luqad kale looguma darin lacagahooda:

1. Uri – The Surgical Strike (2019) – 11.59 Crore

2. Gadar – Ek Prem Katha (2001) – 6.09 Crore

3. Badhaai Ho (2018) – 5.72 Crore

4. Bahubali – The Conclusion (2017) – 5.38 Crore

5. Tanhaji – The Unsung Warrior (2020) – 5.10 Crore (qiyaas)

6. 3 Idiots (2009) – 4.36 Crore

7. Lage Raho Munnabhai (2006) – 4.15 Crore

8. Padmaavat (2018) – 3.96 Crore

9. Bahubali – The Beginning (2015) – 3.38 Crore

10. Raja Hindustani (1996) – 3.21 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here