Sanadkan 2020 sida guud fanka Hindiya sanad wanaagsan uma ahan madaama tiyaatarada in ka badan 8-bilood xirnaayeen saameynta karoonaha awgeed sidoo kalena fanka reer Tamil ee Kollywood loo yaqaano qasaaro xoogan ayaa soo gaartay balse waxaan idiin heynaa 10-ka filim ee Kollywood sameeyeen kuwooda ugu saameynta badnaayeen sanadkan 2020 gaba gabada ku dhow:

Paava Kadhaigal- waxaa wada jileen Anjal, Kalki Koechlin, Kalidas Jayaram, Sai Pallavi, Prakash Raj, Gautham Vasudev Menon waxaana laga daawaday barta Netflix. Qiimeynta sheekadiisa 8.3/10 IMDb.

Mookuthi Amman- waxaa hogaamiye ka ahayd Nayanthara waxaa laga daawaday barta Disney+Hotstar qiimeynta sheekada 6.4/10 IMDb.

Soorarai Pottru- waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Suriya iyo Aparna Balamurali waxaana Online ahaan looga daawaday barta Amazon Prime Video. Qiimeynta sheekadiisa 8.7/10 IMDb.

Ka Pae Ranasingam- waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Vijay Sethupathi iyo Aishwarya Rajesh waxaana laga daawaday barta ZEE3 waxaana la siiyay 7.1/10 qiimeynta IMDb.

Darbar- waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Rajinikanth iyo Suniel Shetty waxaana la saaray tiyaatarada bilawgii sanadkan, qiimeynta sheekada 6.1/10 IMDb.

Penguin – waxaa hogaamiye ka ahayd Keerthy Suresh waxaana laga daawaday barta Amazon Prime Video qiimeynta sheekada IMDb 4.5/10.

Oh My Kadavule- waxaa hogaamiyaal ka ah Ashok Selvan iyo Ritika Singh waxaana laga daawaday tiyaatarada bilawgii sanadkan qiimeynta sheekada IMDb 8.1/10.

Kannum Kannum Kollaiyadithaal- waxaa hogaamiyaal ka ah Dulquer Salman iyo Ritu Varma waxaa tiyaatarada la saaray bilawgii sanadkan qiimeynta IMDb 7.7/10.

Seeru- waxaa hogaamiye ka ah Jiva waxaana la daawaday bilawgii sanadkan qiimeynta sheekada IMDb 5.4/10.

Mafia Chapter 1 – waxaa hogaamiye ka ah Arun Vijay bilawgii sanadkan ayaa tiyaatarada la saaray qiimeynta sheekada IMDb 6/10.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here