Waxaan wada ognahay in haatan dunida kubada cagta ka joogsatay xaalkana uu adag yahay balse rajada aysan xumeyn in dhawaan la amba qaado tartamada kala duwan ee qaarada Yurub ugu caansan. Sidaa darteed waxaa dabagal ama qiimeyn lagu sameeyay 10-ka saxiix kubada cagta ugu qaalisanaa labada sano ugu dambeesay.

Laga soo bilaabo sanadii 2018 ilaa iminka sedex ciyaaryahan ayaa 100-milyan oo pound iyo ka badan laga bixiyay waxaana liiskaas qayb ka ah Mpappe, Griezmann iyo Joao Felix.

Haddaba shabakada The Sun ayaa qiimeyn ku sameesay 10-ka saxiix ugu qaalisan labada sano ugu dambeesay iyo haddii ay u qalmaan lacagaha laga soo bixiyay:

10. Frenkie De Jong July 2019 – Ajax to Barcelona: £65.4million: qiimeynta lagu sameeyay kama soo dhalaalin lacagta laga soo bixiyay waa Flop.

9. Lucas Hernandez July 2019 – Atletico Madrid to Bayern Munich: £68m: qiimeynta lagu sameeyay waa HIT lacagta wuu qalmaa bandhigiisa hore ka hor inta uusan dhaawacmin.

8. Nicolas Pepe July 2019 – Lille to Arsenal: £72m qiimeynta waa Flop lacagta laga soo bixiyay kama soo dhalaalin.

7. Romelu Lukaku August 2019 – Man Utd to Inter Milan – £73m qiimeynta siweyn ayuu kaalintiisa laga soo baxay waa HIT.

6. Harry Maguire August 2019 – Leicester to Man Utd – £85m qiimeyntiisa lacagta wuu u qalmaa waana la qabsaday kooxdiisa waa HIT.

5. Eden Hazard June 2019 – Chelsea to Real Madrid – £88m qiimeyntiisa weli lama qabsanin Madrid dhaawacyo wareeriyeen sidaa darteed waa Flop.

4. Cristiano Ronaldo July 2018 – Real Madrid to Juventus – £99m qiimeynta lacagta wuu u qalmaa kaalintiisana siweyn ayuu kaga soo baxay waa Hit.

3. Antoine Griezmann July 2019 – Atletico Madrid to Barcelona – £107.6m qiimeynta kani waa Flop kaalintiisa kasoo bixin weli.

2. Joao Felix July 2019: Benfica to Atletico Madrid – £112m qiimeynta kani waa Flop weli kaalintiisa qaadanin.

1. Kylian Mbappe June 2018: Monaco to PSG – £162m qiimeynta kani siweyn ayuu lacagtiisa kaga soo dhalaalay waana Hit weyn.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here