Waxaa lasoo bandhigay 14-ka atoore ee lacagaha ugu badan Telugu ama Tollywood ku sameeyaan madaama shirkadan xarunteeda tahay magaalada Hyderabad tahay mida ugu awooda badan Koonfur Hindiya.

Telugu waxay heestaan qaar ka mid ah atoorayaasha ugu caansan Koonfur Hindiya iyo guud ahaan fanka sidoo kalena waxay sameeyaan aflaan tayo wanaagsan oo meel walbo daafaha caalamka laga daawado kuna caan baxeen inay fariin ahaan mada daalo dhameestiran leeyihiin.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 14-ka atoore Telugu ama Tollywood lacagaha ugu badan filimada ku sameeyaan waxayna xogtaan ku xeen daaban tahay 2020 ama aflaanta ugu dambeeyeen atoorayaashan usoo baxeen lacagaha ay ku sameeyaan iyo aflaanta dhawaan soo wadaan lacagaha ay ku qaateen dhinacyadaas ayaa laga eegay:

Naga Chaitanya halkii filim wuxuu ku sameeyaa 8 Crore ($1.06m) kadib markii filimkiisii Majili Blockbuster weyn noqday.

Vijay Deverakonda, Nani, Ravi Teja, Nagarjuna, Venkatesh iyo Balakrishna waxay ka siman yihiin atoorayaashan in mid walbo halkii filim ku sameeyo 10 Crore ($1.32m).

Allu Arjun halkii filim wuxuu ku sameeyaa 25 Crore ($3.31m) lacagahana wuxuu ku qaadanayaa hormaris ahaan filimkiisa xiga Pushpa.

Jr. NTR & Ram Charan labadan Superstar halkii filim waxay ku sameeyaan min 30 Crore ($3.97m) waxayna lacagtaan ku qaateen sameynta filimka weyn RRR.

Mahesh Babu & Chiranjeevi labadan Superstar halkii filim waxay ku sameeyaan min 40 Crore ilaa 50 Crore ($5.30m – $6.62m) waana isku awood xiligaan.

Pawan Kalyan Superstar-kan labo sano ayuu hawada ka maqnaa dhanka siyaasada ku mashquulay haatan ayuu soo laabtay wuxuuna 55 Crore ($7.29m) ku qaatay filimkiisa Vakeel Saab ee diyaarsan balse weli masraxa la saarin.

Prabhas Superstar-kan Hindiya oo dhan ka dhaxeeyo halkii filim wuxuu ku sameeyaa ama uu dalbadaa 75 Crore ($9.93m) balse filimkiisii ugu dambeeyay Saaho wuxuu ku qaatay sameyntiisa 100 Crore ($13.25m).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here