Home » Box Office » Waa kuwee 15-ka filim ee tikit-ka ugu badan loo goostay sanadkii hore 2017 ama loogu daawasho badnaa

Waa kuwee 15-ka filim ee tikit-ka ugu badan loo goostay sanadkii hore 2017 ama loogu daawasho badnaa

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday maqaal ay kaga hadleyso filimada loogu daawasho badnaa ama daawadayaasha tikit-ka ugu badan u iibsadeen sanadkii hore 2017.

2017 waa sanad la arkay in 50-milyan oo qof hal filim tikit u goosatay sidoo kalena hal filim 30-milyan oo qof tikit u goosteen iyo filim kale oo ku dhawaad 20-milyan oo qof tikit u goosteen.

Sedexda filim ee loogu daawasho badnaa 2017 ku dhawaad 100-milyan oo qof ayaa wadar ahaan tikit u goosteen sidaan inay dhacdo waxaa ugu dambeesay sanadii 1994!

Sanadii 2017 Baahubali 2 ayaa sabab u ahaa tirada daawashada filimada sare inay u kacdo madaama 50-milyan tikit u goosteen si la mid ah sanadii 1994 filimka Hum Aapke Hain Kaun ayaa sabab u ahaa tirada daawashada inay sare u kacdo madaama kaligiis 70-milyan oo qof daawadeen!

Bahubali – The Conclusion wuxuu noqday Blockbuster-ka ugu weyn qarnigaan iyo sidoo kale filimka ugu weyn Bollywood-ka sameeyaan 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Marnaba laguma fikirin xiligaan in la arki doono hal filim 50-milyan oo qof inay tikit u goostaan waana arin ay adag tahay xiliyadaan dhaw dib loo arko.

Waa macquul labo sano kadib in la helo filim lacagta Bahubali – The Conclusion 510 Crore qaybtiisa Af Hindiga keeno laakiin waxaa adkaan doonto in la arko filim 50-milyan oo qof tikit u goosato dhawaanahan.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee loogu daawasho badnaa 2017 sida shabakada BOI soo daabacday:

1. Bahubali: The Conclusion – 52-milyan iyo 522,000 oo qof (Qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya)

 

2. Tiger Zinda Hai – 30-milyan iyo 800,000 oo qof (Qiyaas ahaan) madaama weli uusan tiyaatarada ka dagin.

 

3. Golmaal Again – 19-milyan iyo 846,000 oo qof

 

4. Raees – 13-milyan iyo 782,000 oo qof

 

5. Toilet Ek Prem Katha – 13-milyan iyo 135,000 oo qof

 

6. Judwaa 2 – 12-milyan 974,000 oo qof

 

7. Badrinath Ki Dulhania – 12=milyan iyo 287,000 oo qof

 

8. Jolly LLB 2 – 11-milyan iyo 653,000 oo qof

 

9. Tubelight – 11-milyan iyo 574,000 oo qof

 

10. Kaabil – 9-milyan iyo 174,000 oo qof

 

11. Fukrey Returns – 7-milyan iyo 459,000 oo qof

 

12. Baadshaho – 6-milyan iyo 861,000 oo qof

 

13. Jab Harry Met Sejal – 5-milyan iyo 549,000 oo qof

 

14. Half Girlfriend – 5-milyan iyo 504,000 oo qof

 

15. Hindi Medium – 5-milyan iyo 472,000 oo qof

F.G: Labo filim kale ayaa jireen kuwaas oo 5-milyan oo qof tikit u goosteen waana Mubarakan (5-milyan & 193,000 oo qof) iyo Secret Superstar (5-milyan iyo 87,000 oo qof ).