Waa kuwee 15-ka filim ee tikit u goosteen 30-milyan oo qof iyo ka badan iyo sida atoorayaasha/atirishooyinka u kala leeyihiin

Shabakada Boxoffice India waxay maalmo ka hor soo bandhigtay sidoo kalena ay shabakada Filimside idinla wadaagtay 15-ka filim ee loogu daawasho badnaa 2017 ama tirada ugu badan tikit u goosteen.

Baahubali 2 in ka badan 50-milyan oo qof ayaa tikit u goosteen asigoo noqday 25-ka sano ee ugu dambeesay Blockbuster-ka ugu weyn Bollywood-ka sameeyaan.

Sidoo kale Tiger Zinda Hai isagana wuxuu ku biiray liiska filimada loo yaqaan 3 Crore Footfalls ama 30-milyan iyo ka badan aflaanta tikit ay shacabka u goosteen.

Hadaba shabakada BOI waxay Update ku sameesay keedkeeda saxan kuna xeen daaban 1994 ilaa 2017 filimada 30 milyan oo qof iyo badan tikit u goosteen.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee 30-milyan iyo badan tikit u goosteen laga soo bilaabo 1994 ilaa iminka (Top 15 Films 30 Crore Footfalls from 1994 to 2017):

1. Hum Aapke Hain Koun..! (1994) – 73-milyan iyo 962,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

2. Bahubali 2 – The Conclusion (2017) – 52-milyan iyo 522,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

3. Gadar – Ek Prem Katha (2001) – 50-milyan iyo 573,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

4. Dilwale Dulhania Le Jayenge (1995) – 47-milyan iyo 971,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

5. Raja Hindustani (1996) 40-milyan iyo 975,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

6. Border (1997) – 37-milyan iyo 83,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

7. Dangal (2016) – 36-milyan iyo 996,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

8. Kuch Kuch Hota Hai (1998)- 35-milyan iyo 658,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

9. Bajrangi Bhaijaan (2015) – 35-milyan iyo 417,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

10. Pk (2014) – 35-milyan iyo 61,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

11. Sultan (2016) – 32-milyan iyo 85,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

12. 3 idiots (2009) 31-milyan iyo 785,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

13. Kabhi Khushi Kabhie Gham (2001) – 31-milyan iyo 173,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

14. Tiger Zinda Hai (2017) 30-milyan iyo 800,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

15. Kaho Naa.. Pyaar Hai (2000) – 30-milyan iyo 663,000 oo qof ayaa tikit u goosteen

Atoorayaasha Iyo Sida Ay Filimada U Kala Leeyihiin:

1. Salman Khan iyo Aamir Khan min 4-filim

2. Shah Rukh Khan 3-filim

3. Sunny Deol iyo Hrithik Roshan min 2-filim

4. Prabhas, Suniel Shetty, Amitabh, Akshaye Khanna, Jackie Shroff, R Madhavan iyo Sharman Joshi min 1-filim

Atirishooyinka Iyo Sida Ay Filimada U Kala Leeyihiin:

1. Kareena Kapoor 3-filim

2. Ameesha Pattel, Kajol, Anushka Sharma min 2-filim

3. Madhuri Dixit, Anushka Shetty, Karishma Kapoor, Katrina Kaif, Rani 1-filim

F.G: Xogtaan Waxay Ku Xeen Daaban Tahay Keedka Saxan ee BOI Ku Jiro 1994 Ilaa 2017:

3 Comments

Comments are closed.