Home » Box Office » Waa kuwee 20-ka filim ee lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen 1994-2017

Waa kuwee 20-ka filim ee lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen 1994-2017

Filimka Tiger Zinda Hai ganacsigiisa suuqyada caalamka si rasmi ah ayuu usoo idlaaday wuxuuna ku istaagay $20.73M sida shabakada BOI xaqiijisay.

Hadaba keedka shabakada BOI xogta ku jirto ee gaarka u ah filimada suuqyada caalamka lagu diiwaan galiyo isbadal ayaa ku dhacay madaama TZH lagu kordhiyay keedkan.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 20-ka filim ee lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen xogtaana waxay BOI ku saleesay ganacsiga filimada ay ka sameeyeen suuqyada sida joogtada ah filimada Hindiga ah looga daawado waana USA/Canada, UK, UAE/Gulf, Aus/NZ, Pakistan iyo meelo kale.

Waxaa hogaanka u haayo filimka Dangal oo suuqyada caalamka kasoo xareeyay $30.70M (207 Crore) kumana jirto lacagaha uu ka keenay bariga fog sida Hong Kong, Taiwan iyo China madaama suuqyadaas ahayn kuwo si joogto ah looga daawado filimada Hindiga ah.

Fadlan sawirka hoose kaga bogo 20-ka filim ee suuqyada caalamka lacagah ugu badan kasoo xareeyeen ayadoo filimka TZH uu kaalinta 8-aad ka galay liiskan, weliba luqada Hindiga lagu daawaday ayaa filim walbo loo xisaabiyay:

F.G: Suuq walbo filimada lacagaha ugu badan kasoo xareeyeen waan idinla wadaagi doonaa waa suuqyada loo wada dhan yahay ee filimada Hindiga ah laga wada daawado.

6 Responses to Waa kuwee 20-ka filim ee lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen 1994-2017

  1. Rudwaandxt

    March 12, 2018 at 2:59 pm

    Wll jab harry meet muna kujirin

    • Zakarie Abdi

      March 12, 2018 at 3:03 pm

      Walaal Jab Harry Met Sejal wuxuu ku jiraa kaalinta 23-aad asigoo keenay $10.57M waxaana anagana soo gudbinay 20-ka ugu sareyso.

  2. Karaanka

    March 12, 2018 at 3:09 pm

    Sxb sakariye abdi facebook hadaa leedahay maxaa kuku qoran

    • Zakarie Abdi

      March 12, 2018 at 3:13 pm

      Zakarie Abdi ayaa iigu qoran.

  3. Rudwaandxt

    March 12, 2018 at 3:53 pm

    Maxaa kuu yaala

  4. It's friday

    March 12, 2018 at 8:16 pm

    Aawey Krrish 3???? Iyo Kaabil? 😠😈