Home » Box Office » Waa kuwee 20-ka filim ee loogu daawasho badnaa ama tikit-ka ugu badan loo goostay 1994 ilaa 2017

Waa kuwee 20-ka filim ee loogu daawasho badnaa ama tikit-ka ugu badan loo goostay 1994 ilaa 2017

Shabakada Boxoffice India ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay 15-ka filim ee sanadkii hore 2017 loogu daawasho badnaa ama tikit-ka ugu badan daawadayaasha tiyaatarka u goosteen.

Waxaa dhacday in filimka Baahubali 2 ay tikit u goosteen 50-milyan oo qof dad sare u dhaafayaan si la mid ah Tiger Zinda Hai isagana 30-milyan oo qof dad sare u dhaafayaan ayaa tikit u goosteen.

Labadaan filim isbadal ayay ku sameeyeen kaalin ahaan aflaanta loogu daawasho badan yahay Bollywood-ka sameeyeen laga soo bilaabo 1994 ilaa hadda.

Sababta 1994 xog walbo ugu xeen daaban tahay waqti ahaan ayaa ah in keedka shabakada BOI ee saxan ku egyahay sanadkaan welina shabakadaan sixitaan ayay ku wadaa aflaantii 1994 wixii ka horeeyay la daawaday dhawaana waxay sheegtay sanadkaan 2018 marka uu dhamaado in keedkeeda dhameestiri doonto oo ay dhici doonto 1940 ilaa hadda xogta filimada oo dhameestiran.

Hum Aapke Hain Koun..! (1994) ayaa ah Hit-ka ugu weyn Bollywood-ka ama Hindiya sameeyeen 24-sano ee ugu dambeesay madaama filimkaan ay tikit u goosteen 73-milyan iyo 962,00 oo qof!

Waxaana kusoo xigo Baahubali 2 oo ay tikit u goosteen 52-milyan iyo 522,000 oo qof halka Gadar Ek Prem Katha isagana dabyar shideyn madaama 50-milyan iyo 573,000 oo qof tikit u goosteen.

Dilwale Dulhania Le Jayenge iyo Raja Hindustani amaan gaar ah ayay mudan yihiin madaama ay yihiin labada filim ee tiro 40-milyan oo qof sare u dhaafayaan tikit u goosteen.

Fadlan hoos kaga bogo 20-ka filim ee tikita ugu badan daawadayaasha u goosteen laga soo bilaabo 1994 ilaa 2017:

2 Responses to Waa kuwee 20-ka filim ee loogu daawasho badnaa ama tikit-ka ugu badan loo goostay 1994 ilaa 2017

  1. Aaarif

    March 13, 2018 at 3:04 pm

    sxpw bajrangi bhaijaan xaa ka reebay meesha mise 26m qof xtaa ma daawan miyaaah

    • Zakarie Abdi

      March 13, 2018 at 4:10 pm

      Sxbow kaalinta 9 aad ayuu ku jiraa sawirka ayuu ka maqan yahay 35milyan iyo xoogaa ayaa tikit u goosteen wuxuu u dhaxeeyaa (
      KKHT iyo PK.