Waa kuwee 20-ka xidig ee Bollywood-ka xiligaan ugu awooda badan atoore+atirisho awood ahaan

Shabakada Boxoffice India dhawaan waxay ka hadashay maqaal ay ku sheegtay in Kareena Kapoor Khan ay Boxoffice-ka kaga awood badan John Abraham madaama filimkeedii Veere Di Wedding Hit noqday halka John filimkiisii Parmanu uu Semi Hit noqday.

Sidaa darteed BOI waxay si rasmi ah usoo bandhigtay 20-ka xidig ee xiligaan Bollywood-ka ugu awooda badan ee filim dadka ka gadi karaan atoore iyo atirisho ayay isugu jiraan.

Waa markii ugu horeesay qiimeyn sidaan ah BOI soo bandhigto in hal meel la isugu keeno awoodaha atoorayaasha iyo atirishooyinka waxayna kasoo dhex xushay 20-xidig oo filim gadi karaan xiligaan.

10-ka xidig ee ugu horeeyaan dhanka awoodaha dhamaantooda waa atoorayaal atirishada ugu soo dhow waa Alia Bhatt oo kaalinta 11-aad soo hiigsatay.

Fadlan hoos kaga bogo 20-ka xidig ee filimada xiligaan gadi karaan sidoo kalena wooda ragg iyo dumar waa la isku daray ayadoo hal qiimeyn laga sameeyay:

1. Salman Khan

2. Aamir Khan

3. Shahrukh Khan

4. Akshay Kumar

5. Ranbir Kapoor

6. Hrithik Roshan

7. Tiger Shroff

8. Varun Dhawan

9. Ajay Devgn

10. Ranveer Singh

11. Alia Bhatt

12. Deepika Padukone

13. Kareena Kapoor

14. Katrina Kaif

15. Arjun Kapoor

16. Anushka Sharma

17. Shahid Kapoor

18. John Abraham

19. Kangana Ranaut

20. Siddharth Malhotra

Sharaxaad Yar Oo Xogta Sare Ku Saabsan: 20-ka xidig ee Bollywood-ka ugu awooda badan xiligaan ragga ama atoorayaasha ayaa tiro ahaan ku badan madaama 14-ka mid ah atoorayaal yihiin halka 6-ka mid ah atirishooyin yihiin.

4 Comments

  1. saakan arkay boxoffice kaba saakan fahmay iney yihiin kuwo gabdhaha cagta hoosteeda galiyaan maxay tahay awooda ay kaga saro mari karaan varun dhawan iyo ra ranveer sing ito tiger shorf kareena iyo deepika waligey baanan wax danbe ka rumaysan boxoffice kan khiyaaliga ka samaysan

  2. waxey u muuqataa mid cadaalada ka fog daawadayaashana indhaha ciid looga shubaayo waayo Anushka Sharma Halka ay ku jirto Waa mid aanan suurta gal ahayn haddii wax lagu qiimeynaayo filimada big hit-ka noqdeen dhanka kale shah rukh khan in uu ka sareeyo wax qabad ahaan Waa cadaalad daro ayana darajada uu fanka ka haysto iyo wax qabadka sanad laha Waa in la kala saara

Comments are closed.