Filim sameeyayaasha fanka Hindiya xiligan ku faanaan waa kuwo fara ku tiriska ah sidaa darteed waa qasab inay lacago badan dal badaan marka ay agaasimayaan filimada waa weyn waxaana haatan banaanka lasoo dhigay 5-filim sameeye ama Director ee fanka Hindiya lacagaha ugu badan aflaanta ku sameeyaan:

1. SS Rajamouli filim sameeyahan Bahubali labadiisa qeybood iyo Magadheere Hindiya ku qabsaday wuxuu halkii filim ku agaasimaa 25 Crore ($3.30m) haatana wuxuu ku howlan yahay dhameestirka shaqada filimkiisa RRR oo meel dhexe duubis ahaan maraayo.

2 Rohit Shetty filim sameeyahan taxanaha Golmaal iyo Singham ku caan baxay sidoo kalena sameeyo aflaanta mada daalada dhameestiran leh waa midka Bollywood-ka ugu qaalisan halkii filim wuxuu ku agaasimaa 25 Crore ($3.30m)

3. Rajkumar Hirani kani laguma gaaro agaasinka filimada tayada wanaagsan weliba sedexdiisa filim ugu dambeeyeen 3 Idiots, PK iyo Sanju waxay dhigeen iskooro taariikhi ah ayagoo Blockbusters noqdeen wuxuuna halkii filim sameyntiisa ku qaataa 24 Crore ($3.17m).

4. Sanjay Leela Bhansali: waa ruug cadaa sameeyo sheekooyin dheeli tiran oo dadka si joogte ah u kasbadaan wuxuuna halkii filim ku agaasimaa 22 Crore ($2.91m).

5. Karan Johar: waa filim sameeye sidoo kalena aflaanta maal galiyo wuxuuna saaxiib la yahay guusha waxaana la ogaaday in sicirkiisa suuqa halkii filim ku sameeyo 20 Crore ($2.64m).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here