Salman Khan waxaan ku aqaanay inuu yahay aktar soo caan bixiyay jilayaasha cusub kuwaaso uu kusoo daro bollywoodka si ay ugu xamaashaan laakiin waxaa jira dhawr arrimo oo naga qarsoon oo Salman Khan uu ku caawiyay jilaayaal kale oo badan kuwaaso ku fanka ku dhibtoonaayeen

haddaba maanta waxaan ku haya 6 atariisho kuwaaso awoodooda dib ugu laabtay ka dib markii ay la shaqeeyeen aktarka  Salman Khan

Aishwarya Rai

gabadhii kusoo guuleystay quruxda adduunka Aishwarya Rai ayaa waxa ay kusoo caan baxday filimkii Aur Pyaar Hogaya kaaso ay isla wadayn aktarka Bobby Doel sanadkii 1997 ka dib markaas atariishadan maysan helin filimo waa weyn

iyadoo isaga socotay si qun-yar socod ah ka dib markii ay Salman Khan kala shaqeesay filimkii Hum Dil De Chuke Sanam sanadkii 1999 atariishadan waxaa u furmay baal cusub oo dahabi maadaama Salman Khan atariishadan garab ku siiyay sidii ay kula shaqayn lahayd filim sameeyaasha ugu caansan gudaha bollywoodka

Sushmita Sen ( Biwi no. 1)

tani waa gabar kale oo soo qaaday quruxda haweenka Sushmita Sen waxa ay fanka bollywoodka soo gashay sanadkii 1996 iyadoo kusoo caan baxday filimkii Dastak kaaso ay isla wadayn aktarka Sharat Kapoor ka dib waxa ay soo sameesay aflaamo si weyn u fashilmayn iyadoo xaalada ku xun waxaa kasoo gaaray aktarka Salman Khan

kaaso kusoo daray filimkiisa Biwi no. 1 (1999) oo noqday Super Hit kaaso noqday filimkii ugu weynaa ee la daawaday sanadkaas sidoo kale Sushmita Sen waxa ay filimkaas ku hanatay abaal-marinta filmfare best supporting actress iyadoo wixii markaas ka dambeeyay atariishada ay noqotay mid hesha mashruucyo waa weyn

Katrina Kaif ( Ek Tha Tiger)

yaan ogayn oo loo sheegaya in Salman Khan fanka ku garab qabtay atariishada Katrina Kaif maadamaa uu kusoo caan bixiyay filimka Main Pyaar Kyun Kiya ka dib waxa uu isugu xijiyay filimo badan sida filimka Partner

waxaana intaas u dheer in sanadkii 2012 uu kusoo daray mashruuciisa Blocbuster noqday ee Ek Tha Tiger kaaso Katrina Kaif u sahlay inay lagu aamino mashruucyada waa weyn waxaan dhihi karnaa inay katrina kaif xidig noqoto waxaa ka dambeeya Salman Khan

Asin ( Ready )

atariishadan ka timid dhanka iyo koonfurta ayaa waxa ay Bollywoodka kusoo gashay filimka weyn Ghajini kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka Amir Khan ka dib atariishadan waxa ay waysay mashruucyo fiican

iyadoo mustaqbalkeeda dhulka gelin rabo waxaa kasoo gaaray aktarka Salman Khan kaaso qayb kaga dhigay mashruuciisa Blocbuster noqday ee Ready kaaso dib usoo nooleeyay mustaqbalka atariishadan waxaana ay midaas ka mahad-celinaysaa Salman Khan

Jacquline Fernandez ( Kick)

atariishadan ka timid Sri Lanka waxa ay nolosheeda bollywoodka ku bilowday si bur-bur ah iyadoo samayn jirtay mashruucyo bur-bur ah

laakiin markii ay saxiixatay filimka Kick kaaso Salman Khan hogaamiyaha ka yahay waxaa atariishadan markaas ka dib u bilowday waayo qurux badan waxaana kusoo xoobmeyn filim sameeyaasha ugu caansan gudaha bollywoodka ka dib la shaqaynta Salman Khan

Sonam kapoor ( Prem Ratan Dhan Payo)

sonam kapoor waxa ay waayaheeda fanka bollywoodka ay ku bilowday filimka Disaster ah ee Saawariya kaaso ay la sameesay aktarka Ranbir Kapoor ka dib markaas inkastoo atariishadan ay sameesay aflaamo gaarayn guulo iska meel-dhexaad ah

laakiin Blockbuster keeda ugu horeeyay waxaa ganacta ka saaray aktarka Salman Khan kaaso atariishadan kor u qaaday awoodda dhanka boxx office india waxaana Salman Khan ay la sameesay filim Prem Ratan Dhan Payo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here