Waxaa lasoo bandhigay 6-shaqsi ee ugu caansan gudaha Hindiya kuwaas oo barta Internet-ka loogu baadi goob badan yahay macluumaadkooda ama xogtooda afarta bilood ugu horeyso sanadkan ama Janaayo ilaa April 2020.

Priyanka Chopra Jonas ayaa noqotay shaqsiga ugu caansan ee Hindi ah kaasi oo loogu baadi goob badan barta Internet-ka waxaana xidigtan macluumaadkeeda baadi goobeen 3-milyan iyo 900,000 oo qofood oo daafaha caalamka ku kala nool. Waxayna Priyanka heesataa ciwaanada caalamka madaama xidig laga dambeeyo tahay ee Bollywood iyo Hollywood ka dhaxeyso.

Waxaa cajiib ah labada shaqsi ugu caansan Hindiya u dhasheen ee macluumaadkooda loogu baadi goob badan yahay barta Internet-ka inay yihiin atirishooyin Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo kala ah Priyanka Chopra iyo Sunny Leone.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 6-qofood ee Hindiya ugu caansan kuwaas oo macluumaadkooda loogu baadi goob badan barta Internet-ka:

1. Priyanka Chopra 3-milyan & 900,000 ayaa Internet-ka ka baadi goobeen.

2. Sunny Leone 3-milyan & 100,000 ayaa Internet-ka ka baadi goobeen.

3. Salman Khan 2-milyan & 100,000 ayaa Internet-ka ka baadi goobeen.

4. Virat Kohli (kabtanka xulka Hindiya cayaarta Cricket-ka) 2-milyan oo qof ayaa Internet-ka ka baadi goobeen.

5. Katrina Kaif 1-milyan & 900,000 ayaa Internet-ka ka baadi goobeen.

6. Hrithik Rishhan 1-milyan & 300,000 ayaa Internet-ka ka baadi goobeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here