Kadib markii mudo labo bilood ah Hindiya bandow xoogan ka jiray sidoo kalena shaqooyinka filim jilista gabi ahaan la hakiyay una dheer tahay in tiyaatarada la xiray haatan rajo wanaagsan ayaa jirto kadib marki is maamulka gobolka Maharashtra ogolaadeen in howlaha filim jilista dib loo amba qaadayo balse hanaan shuruuc adag la mari doono si Coronavirus-ka shaqaalaha Bollywood-ka ugu dhex fidin.

Haddaba waxaa la ogaaday Superstar Ajay Devgn filimkiisa Bhuj – The Pride Of India inuu noqon doono filimka ugu horeeyo ee duubistiisa la amba qaado marka xaalada caadi kusoo laabato waxayna duubistiisa ka bilaaban doontaa gudaha magaalada Mumbai todobaadka dambe sidoo kalena filimkan Ajay waxaa ku wehliyaan Sanjay Dutt iyo Sonakshi Sinha qorshahana wuxuu ahaa in 14 Aug 2020 la daawado laakiin haatan waxay u badan tahay in filimkan horaanta bisha December la daawan doono.

Sidoo kale filimka Jhund ee Megastar Amitabh Bachchan hogaamiye ka yahay isagana waxyar oo duubistiisa ayaa todobaadka dambe la amba qaadi doonaa kaliya 33% shaqaalaha flimkan ayaa goobta soo xaadiri doonaan waxaana markii hore mashruucan la daawan lahaa 8 May 2020 balse haatan bilaha July ama August ayaa la daawan doonaa.

Dhinaca kale filimka weyn Mumbai Saga ee John Abraham, Emraan Hashmi, Kajal Aggarwal iyo Suniel Shetty hogaamiyaal ka yihiin isagana jadwal kooban ayaa u harsan duubistiisa waxaana Director Sanjay Gupta laga soo xigtay bartamaha bishan in la dhameestiri doono shaqada u harsan laakiin masraxa lama saari doono 19-ka bishan June oo markii hore qorshaha ahaa in la daawado waxaa la rajeynaa bilaha August ama September in filimkan la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here