2 sano kahor Zareen Khan dhib ayee kala kulantay sameeynta Filimka Aksar 2 iyo kooxda Filimkaan oo gabadhaan dayaceen heer nafteeda loo soo dhigtay marna weyba ku xad gudbi gaareen iyaga dhexdooda xidigtaan ayaana ka sheekeysay dhibkee kala kulantay.

Waxay tiri iyadoo ka sheekeyneysa dhacdada Aksar 2 ka qabsatay,”kooxda Filimka markii hore si quman ayaan howsha ula waday balse dhalinyaro yaryar ayaa agaasimida la wareegen bartanka howsha markaa mareynay oo Raggi masuuliyiinta ahaayen meel ayee iska fariisteen aniga iyo nimanka cusbaana waan isku dhibtoonay.”

“Maalin Walba waxaan isku qabsan jirnay labiskeyga oo dhar gaaban inaan soo xirto ayee rabeen jirkeyga qaawana la arko midaasna marna waan ka diidaayey marna waan ka yeelaayey waan awooday inaan isaga baxo Filimka dhan balse ma yeelin.”

“Mida ugu daran ayaa ahed in maalin ay ii waceen si muuqaal halaaway oo yar dib aan ugu duubno markaa u tagay oo muuqaalkii dhameenay xili dambe habeen ah Hotel-keyga inaan ku noqdo ayaan damcay bakse daryeel mahelin oo qof idhaweeyo ayaan waayey markii horena iyaga i keenen.”

“Dhamaantooda qamri cabow iyo raashiin cunow ayee galeen aniga kaligey ayaa hoos usoo dagay waardiyaasha meesha ayaana Gaarigooda igu geeyeen Hotel-kooda waxaana halis u galay in habeenkaas la i kufsado maadama qof ehelka ila soconin nasiibkeyga oo wanaagsanaa aawged si nabad ayaan ku imid Hotelka.”

“Mida kale muuqaalada shumiska iyo kuwa dareenka ah markaa duuweyno wey dheereen jireen midaasna sheekada Filimka kuma jirin oo aniga iyo atooraha dhowr daqiiqadood ayaa hal shumis bas wadaageena micnahee kala jeedeena ma ogi marka dhib yar iguma qabsan duubista Aksar 2 (2017).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here