Xogta iskoorada Box-office-ka inta badan waxaa lagu cabiraa 30-sano ee lasoo dhaafay sababta wixii 30-sano ka horeeyay inta badan loo xisaabinin ayaa ah xogaha aflaamta bari samaadkii in la helo ay adagtahay shabakada BOI wali dib uma aysan sixin keydkoodii hore ee natiijooyinka aflaamta iyo ganacsigooda.

Balse markii lasaxo sido kalena keydka cusub lagu soo daro hubaal ahaan waad la fajici doontaa iskoorada bari samaadkii atoorayaasha sameyeen sida Dharmendra, Amitabh Bachchan, Dilip Kumar iyo Rajesh Khanna sidaa aawged intii xogahaas laga saxaayo 30-sano iskoorada ah ayaan idiin la wadaageena.

Iskoorka ah Atoore hal sano gudihiisa labo Blockbuster sameeyay:

Iskoorkan waxaa bilaaway Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan oo sanadkii 1993 sameeyay labo Blockbuster misane kala ah Baazigar iyo Darr markale ayuu sanadkii 1995 labo Blockbuster la yimid oo kala ah Karan Arjun iyo DDLJ.

Iyadoo xaalka sidaa ah iskoorkana SRK ugaar yahay ayaa sanadkii 2006 Superstar Hrithik Roshan mucjiso lama ilaawan ah dhigay kadib markii uu la yimid Filimadiisa Krrish iyo Dhoom 2 oo Blockbuster noqdeen waxuuna sidaas ku noqday SRK kadib atooraha hal sano gudihiisa labo Blockbuster sameeyay.

Salman Khan ayaa ka tilaabsaday Hrithik Roshan xujadii SRK na soo furay waxuuna sanadkii 2011 la yimid labo Filim Blockbuster noqdeen oo kala ah Bodyguard iyo Ready taasi xujadii Hrithik ayee noqotay oo uu soo furay.

Hadana sanadkii xigay ee 2012 ayuu SRK soo bar bardhigay maadama sanadkaasna markale la yimid labo Filim Blockbuster noqdeen oo kala ah Dabangg 2 iyo Ek Tha Tiger 2018 Ranver Singh ayaa liidka kusoo biiray waxuuna sameeyay labo Blockbuster kala ah Padmaavat iyo Simmba.

Iskoorka guud ee hal sano gudihiisa labo Filim Blockbuster noqdeen afartaas atoore ayee u gaartahay atoore shanaadk oo qaanadaas lasoo gali wali lama.arag waxaan sugnaa atoore soo bar bardhigo ama jabiyo iskoorkooda oo hal sano seddex Blockbuster la imaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here