Waxaan maqaalkan kusoo bandhigeynaa jilayaasha Bollywoodka ee sameysteen Six Packs been ah oo shaashada nagu sireen cadeyn walbana hortiina ayaan keenena maanta waxaadna ogaan doontaa atoorayaal badan oo xiliyo kala duwan kusoo sireen marka aad ogaato xogtaan.

Marka hore jilayaasha sababta Six Packs usameyaan waa ganacsi oo aflaamtooda ayee ku xayeysiiyaan marka xigta qaarkood Six Packs nolosha dhabta ah wey leeyihiin sida Salman Khan waaggii hore wuu lahaa balse mudooyinkan dambe markuu da’ noqday wey kadaba timid oo calool ayuu deystay si lamid ah Aamir, SRK iyo Akshay Kumar waxayna isticmaalaan aaladaha cusub sida VFX iyo Computer CIG hadaba hoos kaga bogo 5-jilaa oo Six Packs been ah sameysteen.

1-Salman Khan: xidigaan dhowr filim ayuu Six Packs Fake ah ama been ah ku sameystay waxaana ugu dambeyay filimkiisa Dahangg 3 sida sawirka aad ka arki karto waa Salman xili uu duubis kujiray xaalada kowaad waa Salman oo muuqaalkiisa caadiga ah, xaalada labaad Salman ayaa Six Packs loo galinayaa qaab Computer ah iyo aaladaha cusub xaalada seddexaadna waa Salman oo six Packs leh misane aan laga dareymeynin sidaas ayuu xidigaan ku sameeyay mashruucisa Dabangg 3.

Kaliya Dabangg 3 ma ahan Sallu filimka uu Six Packs ku sameystay xitaa Wanted Computer CGI ayaa muuqaalkiisa la mariyay waxaana laga dhigay mid Fit ah oo la qurxiyay jir ahaan wuu diyaarsanaa awalkiisa hore laakiin muuqaalkuusa Wanted waa mid Computer loo isticmaalay si aan caadi aheyna loo diyaariyay.

Sido kale Sallu filimkiisa Jai Ho sida aad sawirka ka arki kartaan muuqalka hore waa midka Original-ka markuu duubaayey muuqaal dagaal ah balse muuqaalka dambe ee jirkiisa sida weyn udhisan ma ahan run ee Computer ayaa lagu habeeyay xitaa dhiiga xabadka umarsan waa loo sameeyay.

2-Aamir Khan: jilaagan marwalva waxuu jecel yahay inuu ka dhabeeyo doorka uu shaashada kujilaayo filimkiisa Dangal dhib ayuu ka maray marna miisaankiisa wuu dhimay marna wuu kordhiyay balse muuqaalada uu leeyahay murqaha xad dhaafka ah ee kuwa musaaricada ama WWE loo maleeyo waa Six Packs iyo feero diyaarsan oo loo galiyay sida Salman Khan oo kale kadibna aalada VFX iyo Computer casri ayaa loo isticmaalag micnaha isaga marka hore wuu is diyaariyay balse ka bad badinta iyo qurxinta waa Computer iyo Six Packs diyaarsanaa.

3-Shahrukh Khan: Bollywood King Khan filimkiisa Fan ee uu labada waji ku jilay marka kowaad labada SRK isaga wada jilay midka cunuga yar waa isla isaga balse waji cunug oo SRK ah ayaa loo sameeyay micnaha waji Plastic ah oo SRK laga dhigay ayuu isticmaalay xidigaan.

sido kale Filimkiisa Happy New Year murqaha xad dhaafka uu lahaa dhamaan xaqiiq ma ahan waa run inuu si weyn isugu soo diyaariyay jir ahaan mashruucaas balse aalada CGI ayaa caawisay oo loogu kabay murqo qurux badan iyo six Packs sido kalena jirkiisa waxaa la mariyay waxyaabo kudhagayaan sida koolo iyo dhiiqo oo kale ah balse wasaq aheen kaliyana loogu talo galay inee murqahaas xajiyaan hadana qurxiyaan.

4-Govinda: shactiroolihii 90-maadkii waxuu dadka ka yaabiyay sanadkii 2014 markii la arkay asoo Six Packs leh waliba filimkii Happy Ending markii la daawaday balse waa wax kama jiraan Govinda oo Six Packs leh waligeed ma dhicin jilaagan CGI ayaa loo isticmaalay Six Packs been ah ayaa loo galiyay iyo feero uusan laheen si daawadayaasha looga yaabiyo.

5-Akshay Kumar: xidigaan si dabiici ah ayuuba udhisanyahay balse filimkii Boss wajigiisa iyo xabadkiisa waa wada liisho sifiican ayaa loo naash-naashay qaab CGI ah waana la habeeyay muuqaalkiisa in badan waan ognahay Salman iyo Akshay sida guud inee dhisan yihiin hadana saas ee tahay doorarkooda si ay cusbo oga dhigaan in lasii qurxiyo Six Packs been ah hadii loo baahdana ay isticmaalaan wey ku qasban yihiin mararka qaar.

Dhamaad..

1 COMMENT

  1. Masha Allah Waan ku mahadsan tihiin filmside .net sida Quruxda Badan Oo Aad noogu soo daapacadaan indian News paper sida Aqbaaraadka Ku saapsan Aktariyaasha Iwm waad ku mahadsan tihiin 1000 iyo koow jeer ❤❤❤

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here