Seddexda Khans ee kala ah Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan xiligii soo caan baxeen ilaa iyo hada waxaa caado ahed sanad walba inee kasoo muuqdaan utartamida abaal marinta Filimfare qeybtaha atooraha ugu wanaagsan (Best Actor) ee sanad walba la bixiyo.

Balse sanadkaan 2020 seddexdoodaba waa laga waayey liiskan sanadkii hore 2019 SRK ayaa kaliya kasoo muuqday waxuuna watay Filimkiisa Zero oo uu ku tartamaayey qaab jiliin ahaan sido kale sanad walba ugu yaraan seddexdooda mid ayaa kasoo muuqan jiray liiskan laakiin 2020 waa lawada waayey.

Marka hore Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan 2019 lama aysan imaanin wax Filim ah misane ay tartanka kaga qeyb galaan balse Salman Khan 2-Filim ayuu la yimid oo kala ah Bharat & Dabangg 3 balse 6-atoore ee lasoo xulay ayaa ka bandhig wacnaa Sallu qaab jiliin ahaan sidaas ayaana looga so tagay.

6-Atoore ee Filimfare soo xulatay una tartamayaan bilada atooraha ugu wanaagsan:

Akshay Kumar For Kesari

Ayushmann Khurrana For Bala

Hrirhik Roshan For Super 30

Shahid Kapoor For Kabir Singh

Ranveer Singh For Gully Boy

Vicky Kaushal For Uri

Hadaba aan isla ogaano Seddexda Khans iyo mid walba inta jeer uu u tartamay abaal marintaan taariikh ahaan:

Shah Rukh Khan: guud ahaan 26-jeer ayuu u tartamay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Filimfare (Best Actor) 8-jeer kamid ah wuu ku guuleystay taasi oo ka dhigan in 17-jeer kamid ah liiska tartamayaasha lagu soo daray balse uusan ku guuleysan.

Aamir Khan: guud ahaan 19-jeer ayuu u tartamay abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan (Best Actor) 3-jeer kamid ah ayuu ku guuleystay halka 16-jeer liiska tartamayaasha lagu soo daray balse uusan ku guuleysan.

Salman Khan: guud ahaan 10-jeer ayuu u tartamay waligiisna kuma guuleysan taasi oo kadhigan in Sallu liiska tartamayaasha tiro 10-jeer ah uu kasoo muuqday sanado kala duwan balse uusan ku guuleysan waligiis bilada Best Actor ee shirkada Filimfare bixiso.

Goordhow naga filo Seddexda Khans mid walba Filimada abaal marinada lagu siiyay iyo Filimada abaal marinta Filimfare ugu tartameen guud ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here