Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa fariin muhiim ah u diray kuwa sheekooyinka aflaanta Bollywood-ka qoraan wuxuuna ku booriyay inay ka faa’iideestaan xiligan bandowga Hindiya ku jirto inay diyaariyaan sheekooyin tayo wanaagsan kadibna laga faa’iideesto marka ay xaalada caadi kusoo laabato.

Aamir Khan sanadii 2017 wuxuu bilaabay mashruuc lagu dhiiri galinaayo qoraayaasha diyaarin karaan sheekooyinka aflaanta waxaana tartankan ka qayb galeen qorayaal badan oo tartanka lagu bartay haatana xirfadooda qoraa ku shaqeestaan. Sidoo kale bishii Febraayo ee sanadkan waxaa la bilaabay qaybtii labaad ee tartankan qoraayaasha waxaana maal galineesay shirkada Cinestaan ayadoo tartanka gudi ay ka ahaayeen Aamir Khan, Anjum Rajabali, Juhi Chaturvedi iyo Rajkumar Hirani waxaana laga soo dhex xulay 5-tartamaa ugu tayada sareyso dhanka qoraalka kadibna mid walbo waxaan la siiyay min 50 Lakh.

Haatan Aamir Khan fariin guud ayuu diray wuxuuna yiri “Qoraayaasha jecel inay fanka hormar ka sameeyaan iyo kuwa lagu yaqaan diyaarinta sheekooyinka filimada waxaan ku boorin lahaa inay ka faa’iideestan xaalada guri jooga kadibna ay diyaariyaan sheekooyin tayo wanaagsan oo hadhoow Bollywood-ka anfaci doono kadibna aflaan tayo wanaagsan laga dhigi karo.”

Aamir Khan oo lagu tilmaamo qabiir ku xeel dheer xulashada sheekooyinka tayada wanaagsan ayaa sidoo kale ku dhiiri galiyay qoraayaasha inuu sheekooyinka qaar ka iibsan doono ama la shaqeyn doonaan kana faa’iideestan waqtigan adag lagu jiro ee aan wax shaqo ah soconin inay diyaariyaan sheekooyin aflaan dhaxal gal ah laga sameyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here