Panstar Prabhas oo oo ah xidig Hindiya oo idil ka dhaxeeyo wuxuu banaanka soo dhigay haddiyada uu taageerayaashiisa siin doono marka ay ku beegan tahay maalinta Jaceylka aduunka 14-ka bishan Febraayo loona yaqaano Valentine’s Day. Waana arin xiiso badan oo haatan siweyn loo hadal haayo Prabhas maalintaas waxa uu banaanka soo dhigi doono.

Haddaba aqristayaasheena Filimside ku xiran haddii aan la wadagno haddiyada Prabhas taageerayaashiisa ugu tala galay maalinta Jaceylka aduunka waxay tahay inuu soo bandhigi doono goos gooska kooban (Teaser) ee filimkiisa Radhe Shyam oo siweyn loo wada sugaayo daawashadiisa waxaana la jileyso atirishada caanka ah ee dhawaanahan guusha u saaxiibka noqotay Pooja Hedge.

Sidoo kalena Radha Krishna Kumar wuxuu sare usii qaaday hadal heynta filimka Radhe Shyam madaama uu sheegay in 14-ka bishan kaliya goos gooska kooban lasoo bandhigi doonin sidoo kalena shaaca laga qaadi doono mashruucan waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono waxayna u badan tahay xagaaga nagu soo fool leh filmkan weyn in la daawan doono gaar ahaan bilaha June ama July ee sanadkan.

Radhe Shyam waa filim jaceyl oo xiliyo kala duwan waqti ahaan ka hadlaayo ayadoo Prabhas shaashada lasoo gali doono labiska iyo muuqaalada 80-maadkii iyo xiligan casriga ah waana filim weyn oo dhamaan luqadaha kala duwan ee Hindiya lagu daawan doono sida Hindi, Telugu, Tamil, Malayalam iyo Kannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here