Waa Maxay Ilxaad ama Alladiid? Qeybtii 5aad.

0
468

Gunaanadkii qormadeenii udanbeysay waxaan ballan qaaday inaan kaga hadli doono sababaha ku keeni karo qof muslim ah kana soo jeedo bulsho qarniyaal badan muslim aheyd waliba aysan ka dhex jirin diima kale oo aan Islaamka aheyn inuu qaato mawaaqif aad u fog oo lid ku ah dhammaan wax kastoo ka tarjumaayo heybtiisa diineed ee muslimnimo.

Hadaba waxaa xusid mudan in hanuunka iyo garashada jidka Ilaahay aysan ku imaanin garasho iyo rabitaanka qof oo kaliyah, ka muslim ahaan waxa ay quraanka meela badan kusoo aroortay aayad micnaheeda uu yahay “in Ilaahay mid nool kasoo saaro mid meyd ah, halka mid meyd ahna kasoo saaro mid nool” taasi oo lagu fasiray in Ilaahay qof muslim ah faraciisa kasoo saaro mid gaal ah, mid gaal ah faraciisana kasoo saaro mid Muslim ah, Nabi Nuux NNKH xilligii dadkii diiday biyaha lagu harqiyay waxaa kamid ah dadkii la harqiyay wiilkiisii oo diiday inuu isaga soo raaco, sidoo kale waxaa xaqii hareer martay xaaskii Nabi Luudh NNKH, halka Aasiya oo ah xaaskii Fircoon oo ah nin Ilaahnimo sheegtay aysan ku raacin o xaqqa Alle haleeshiiyay, ugu danbeyn waxa uu quraanka inoo sheegay in Nabi Muxammad NNKH lagu canaantay in hanuunku uusan ku imaan ciddaad la jeclaatid ee Alle un inuu yahay kan hanuunka bixiyo.

Sidaa darteed waxa la yaabka leh ma ahan in qof muslim ahaa diinta iyo Alle ku gadoodo oo gaalnimo doorto, waxaase noo muhiim ah maxaa sababa ah oo qofka ka leexin karo waddadii Islaamka, gaar ahaan dhalinteenna Soomaaliyeed ee hadda calmaday Alladiidnimada?

Mar haddeysan jirin qeyb muuqato oo bulshada kamid ah, oo utaagan Alladiidnimo, sida aan qormadeenii hore ku xusnayna ah dad ku dhexmilan bulshada gudaha iyo dibada, raadkooda iyo dhaqdhaaqyadooda laga dheehan karo baraha bulshada waxa aan halkaan aqristayaasha kula wadaagayaa sababa dhowr ah oo aniga aan u tiirin karo waxa ku riixay dhalintaasi in ay seeraha islaamka weydaartaan, waa ay jiri karaan sababa aanan xusin ama iga maqan, si lamid ah sababaha aan xusay qaar kamid ah ama dhammaan waa ay noqon karaan kuwa la igu khilaafi karo.

Sababahaasi waxaa kamid ah:

  • Sababa diineed:
    1. Fahamka: qofka aqoontiisa diineed oo yar ama fahamkiisa oo adag dartiis waxaa soo wajahi karo arrimo isaga aragtidiisa ula muuqda kuwa is diidan ama aanan maangal la aheyn, qofkaasi hadduusan helin cid si deggen ula doodda una fahamsiiso waxa ka qaldan waxa uu tilaabta koowaad u qaadayaa dhanka luminta kalsoonidii uu ku qabay saxnimadii diintiisa, nin kamid ah dhalinta aanu ka hadleyno ayaa isagoo yar walina aan ardaynimadii ka bixin waxa uu dhageystay cashar tafsiir ah, suuratu Muxammad aayadda 15aad ee ka sheekeyneysa wabiyada khamrada iyo caanaha ee jannada, markiiba waxa uu is weydiiyay sey macquul ku tahay webiyaal khamra iyo caana ah? Kaddib aabbihiis oo sheekh ahaa ayuu su’aalay suurtagalnimada waxa aayadda ka hadli, nasiib darrro halkii uu jawaab ka sugayay wadaadkii canaan ayuu kala dul dhacay, inankii yaraa isagoo mooraal ahaan u dilan, su’aashiina aanan laga shaafinin ayuu halkii ka tagay, taasi diinta ugama tagin laakiin waxa ay aheyd billaawgii luminta kalsoonida, inankii asaga ahaa oo horay usoo akhristay kitaabka Suwar min xayaati saxaaba oo ah kitaab nin suugaanyahan uu qoray kuna taaktaaksaday ammaanta saxaabada, sara u qaadidda sha’nigooda ayaa waxa uu waqti u helay inuu ku tixmo kitaab kale oo ka sheekeynayo dagaalladii Safeyn iyo Jamal ee dhex maray saxaabada iyo tirooyinkii ay iska dileen. Meeshaasina waxa uu ku lumiyay xushmadii iyo ixtiraamkii uu u hayay saxaabada, waxuu sidoo kale gacanta ka taagtay inuu diin ahaan u qaato axaadiista ay soo wariyeen saxaabadii oo dhan, mudda aanan dheereyn waxa uu isku qanciyay axaadiista uu diiday iyo quraankaba isku meel beey nooga yimaadeen, quraankiina cagtuu ku dhuftay.
    2. Ku dhaqanka: ku dhaqanka diinta iyo amarada fulinta ama ka haridda ee ay bixineyso ma ahan mid sahlan qof walibana u sahlan, waxa ayna kamid tahay meelaha dhalin badan ay ku sibqadeen, dhalintaasina waa laba qeybood, qeyb xagjirnimo dheeraad ah la timid iskuna daydo in xaraf xaraf u dhaqan galiyaan islaamka ayagoon tixgalinin duruufahooda shakhsi tan qoys iyo tan bulsho intaba, waxa ay isku adkeeyaan wax kastoo loobaahnaa in la dhexdhexeysto, taasi oo mudda kadib ku keento daal iyo kalsooni darro, nafta oo si halhaleel ah ula aaddo macmacaankii nolasha ee muddo laga hortaagnaa, qofka waa insaan oo khalad waa ka dhacayaa laakiin dhibaatada halkii khaladkiisa ka daaweyn lahaa ayuu raadiyaa cid uu ku eedeeyo fashalkiisa, marka hore sheekhiisii iyo inta ka ag dhaw ayuu eedda saaraa, kadibna diinta qudheeda ayuu la fuulaa, sidaasi si lamid ah waa dhalinta kuwaasi lidkooda ah waligoodba aan sadax salaadood oo isku xigto aanan waqtigeeda ku tukan, mar waliba waxa ka xoog badan naftooda iyo rabitaankeeda, muddo kadib markuu dareemo in bulshada iyo asagu isku dhan u soconin il dhaliil iyo yasid aan ka marneyna lagu eego mar waliba, isma weydiinayo xaggey wax ka qaldanyihiin ee waxa uu bilaabaa falcelis degdeg ah, waxa uu la coloobayaa cid walba oo bulshada kadhex muuqato aragti ahaanna aysan is waafiqi Karin, waxa uu kusoo dhacayaa waddadii saaxiibkiis xagjirka ah oo ah fashalkiisa u saariyo culimada iyo diintaba kadibna halkaa kaga dhawaaqo gadood alle ka dhan ah.
    3. Tiknooloojiyadda casriga ah: Internetka waa seef laba af leh, nacfi badan waa leeyahay oo masaafooyin, waqti iyo dhaqaale badan ayey baajisay oo adduunkii ayey soo koobtay, dhanka kale adeegsigeeda waxa uu sinaaday nin dani ka dhacdo iyo mid danlaawe ah, mid aqoon leh iyo alifbeetada mid aanay waxba u wehlinin, nin aqoontiisa diineed heer fiican joogto iyo mid aqoontiisa diineed ay tahay inuu luqadda carabiga wax uga bilaabanyihiin, intaasoo dhan ayaa jaanis isku mid ah u helay xogta dhex ceegaagta Internetka, xogtaasi waxaa kamid ah mashaariic ay dawlado iyo kaniisado maal galiyaan oo loogu tala galay in Islaamka ku qaadaan weerar ku wajahan wiiqidda kalsoonida saxnimada quraanka iyo guud ahaan diintaba kuna wajahan dadka muslimka ah, waa ay iska caddahay natiijada ay leedahay marka qof markii horeba aanan diintiisa aqoon mugleh u laheyn amaba iimaankiisa uusan xoogganeyn oo dhibaata ku qabay ku dhaqanka shacaa’irta islaamka.
    4. Hoggaan: burburkii dowladdii dhex waxa soo if baxay Ururo diineed oo dhowr ah, kuwaasoo xoogga saarayay dhalinyarada hadafka ay markaasi ku howl galinayeen dhalinyarada waxa uu ahaa “dib u yagleelidda khilaafadii Islaamka”. Waxaa aad loo kicin jiray dareenka dhalinyarada ayagoo loo adeegsanayo quraanka, taariikhda jihaadka ee Islaamka iyo anaashiid xammaasad leh oo carabaha laga keenay, taasi dhalinyara badan oo diin jecel ku ridday is dhiibid indha la’aan ah oo ay gacanta u galeen rag muuqaal culimo leh laakiin maanka ka ah hoggaamiye kooxeedyo, waxa qaar dhalinta kamid ah lagu shubay dagaalo loogu sheegay halgan barakeysan oo Islaamka lagu soo celinaa, qaarbaa ku dhintay qaarna ku dhaawacmay, qaar mooraal ahaan bey u noqdeen dhibanayaal aan cidna dhabiibeyn, halka inta badan ragii dhalinta dabka ku shubay ay isu badaleen ganacsato siyaasiyiin iyo qurba joog iska dhiibay dalalkii la rabay in lagu jihaado, qaar kaloo kamid ah dhalintaas waxa ay goob joog u noqdeen musuqmaasuq kii u xumaa oo ay ku dhaqmayaan hoggaanka urur diimeedkooda, lacag samafale carbeed soo sadaqeystay oo la lunsado, deeq wax barasho oo la musuqo, nin kamid ah dhalintii soo martay ururadaas ayaa 22.03.2020 qoray comment ah inuu goob joog usoo noqday mashruuc afurin dad sooman oo goballada dalka loogu tala galay ineysan xamar dhaafin ayadoo boorarkii goballada loogu tala galay xamar dad joogo sawiro looga qaaday, yacni hal habeen oo dad meel lagu afuriyay ayaa laga dhigaa in 18 gobal ee Soomaaliya laga fuliyay. Inbadan oo dhalintii xarakaadka Islaamiga ah waxa ay kala saari waayeen kaalinta hoggaan ee culimadaas u matalayeen iyo in aysan Ilaah wakiil uga aheyn qof walibana tiisa lagula xisaabtamaa, hase ahaatee waxaa xaqiiqa ah in hoggaankii ururada Islaamiga ah ay masuuliyadda qeyb weyn ku leeyihiin in dhalinyara badan Islaamka ka beyraan. Inta aysan wadaadada saxwada la wareegin hoggaanka diineed ee dalka waxaa joogi jiray dariiqooyin nin tukada iyo mid aanan tukanba ka siyaareysto laakiin aan siyaasadda iyo dhaqaalahaba ku garbinin, waxaase badalay wadaad futashaari wato mansab iyo maalba asaga isla rabo haddii lagu qabsadana daliil jeebka kala soo baxaa kuwaasoo inbadan ka qeyb qaatay in Islaamka laga qaato mawaaqif aanu raadkeedu fiicneyn. Intaasi waxa dheer dadka manta ixtikaarka ku haysto ku hadalka magaca Islaamka ma ahan dad u diyaar ah horumarinta wacyigooda wax ka baxsan laqbada naska, ma awoodaan inay qanciyaan qof shaki yar qabo, waxa ay dhiibtaan oraahya la dhihi karo waxa ay fududeeyaan qofkii shakiga yar qabay inuu sii fogaado.
  • Ilbaxnimo: mujtamaca Soomaaliga waa mujtamac asal ahaan nolasha baadiyaha kasoo jeedo, waa reer Guuraa aad ujecel naq raaca, markii magaalada lasoo galay inbadan oo dhaqan kaasi ah wali saameyn ayuu ku leeyahay Soomaalida, qiso afka maayga ah oo aanan hadda sideedii usoo warin karin ayaa aheyd nin magaalada kusoo horeeyay waxa uu dardaaran reer magaalnimo siiyay dhalin qaraabadiisa ah oo dhawaan baadiyaha kasoo galay, waxa uuna kula dardaarmay sida tan: “ surwaal in ay xirtaan, sadax sadax isula socdaan, sigaar cabidna ay bartaan, cabitaanka qasan ay badsadaan” waxaan uga gol leeyahay qeyb kamid ah dhalintaan waxay gaalnimada u calmadeen ilbaxnimo raadin iyo hallagu yiraahdo wax uu dadka kaga duwanyahay ayuu la yimid carab ayaana hore ugu maahmaahday “khaalif tucraf” khilaaf waa lagu baranayaaye.

W.Q; Maxamed Cabdullaahi Goosaar

Xigasho; Halbeeg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here