Waa maxay Ilxaadka ama Alladiidka?? Maqaal xiiso badan.

0
733

Soomaalida waa bulsho ku caan baxday islaamnimada iyo in aysan rumeysneyn ama ka jirin diin aan Islaamka aheyn, waxa ay aheyd bulsho ku ad adag ku faanidda iyo sheegashada lahaanshaha Islaamka diin ahaan, iyo inay kamid tahay bulshooyika yar ee dunida ka jira laguna tiriyo inay 100% muslim yihiin. Inkastoo ay jiri jireen tira yar oo soomaali ah oo lagu sheego inay gaaloobeen oo diin aan islaamka aheyn qaateen, ama diintii Islaamka ka tageen, haddana ma gaarsiisneyn tira sugan oo 1% lagu tilmaami karay, waxa ayna ahaayeen dadkaasi dhowr qeybood:

Dad ay duruufo nololeed u geysay in ayagoo yaryar ay kusoo barbaaraan gacanta heyʼado kirishtaan ah oo dalka ku lahaa xarumo adeegyo caafimaad iyo waxbarasho lagu hoos qarin jiray faafinta diinta kirishtaanka.
Dad mudda hore dalka ka dhoofay, ama u shaqeynayay gumeystihii sidaasna ku qaatay diinta kirishtaanka.
Dad u badan saraakiishii ciidanka ee xilligii dowladahii milateriga iyo tii rayidka ee ka horreysay tababar loogu diray dalalkii shuuciyadda ee Midowga Soofiyeeti horkacayay, kuwaas oo soo laabtay ayagoo Alla diid ah ama meel iska dhigay ku dhaqanka diinta, kuwaasi oo inta badan sanado kaddib ku soo laabtay islaamka, waxii ka dhacayna u arkay gabi dhac dhalinyarannimo.
Sidoo kale intii burburkii dalka ka dhacay oo in badan oo Soomaali ah u hayaameen dalal shisheeye waxaa jiray tira yar oo Soomaali ah oo sheeganeysay in ay diinta kirishtaanka qaateen, laakiin ma aheyn tiro misaan leh.
Ilxaadka cusub

Dhanka kale waxaa waayadan dambe baraha bulshada kusoo badanaya dhallinyaro Soomaali ah oo ku doodaya in ay isaga baxeen diinta Islaamka ayagoo waliba diiddan jiritaanka Ilaahay iyo saxnimada diinta Islaamka, kuna qanceen inuusan jirin Ilaah ay rumeysanyihiin. Dhallinyaradan oo ku saamoobay rag Carab iyo caddaan isugu jira, qaar nool iyo qaar mar hore geeriyooday intuba, dhamaantoodna ku caan baxay in ay yihiin MULXIDDIIN ama ALLADIID. Dhallinyaradan waa kuwo ka saameyn badan dhammaan qeybihii aan sare kusoo sheegnay, waa dhallinyaro dal iyo dibadba jooga, waxa ay aqoon heerarkeeda kala duwanyahay u leeyihiin diinta islaamka iyo afka carabiga, waa koox abaabulan halganna ugu jirta faafinta fikirka Alla diidnimada, waxa ay si baahsan u adeegsadaan baraha bulshada, waxa ay weerar qayaxan ku qaadaan wax walba oo muqaddas u ah Islaamnimada, waxa ay toos u weeraraan (Ilaahay, Nabiga iyo Qurʼaanka).

Haddaba waa maxay Alla Diid?

Ilxaad ama Alla diidis waa mad-hab ku dhisan inkiraadda jiritaanka Alle abuuray, asalkeeduna waa kalmadda (ATHEOS) oo luqadda gririigga ku ah qof aan Ilaah aaminsaneyn.

Waxaa jiro ilaa dhowr magac oo isku micna dhaw una baahan in mid waliba gooni loo qeexo, waana sidan:

MULXID: waa qof aanan rumeysneyn jiritaanka Alle iyo diin.
DIINLAAWE: waa magaca loo yaqaan kuwa aan diidaneyn jiritaanka Alle laakiin aan aaminsaneyn wax diin ah.
DIIN DIID: waa marka uu mulxidka caddeysto Colaad ka dhan ah Alle, diinta iyo dadka diimaha ku dhaqmo.
RUBUUBIYIIN: dad aaminsan inuu jiro Rabbi abuuray koonkan laakiin diidan jiritaanka cid uu soo diray iyo diin uu usoo dhiibay.
HUBANTI LAʼAAN: waa qolo aaminsan in jiritaanka Ilaahay iyo dhimashada kaddib waxa ku saabsan, aanan loo haynin wax caddeyma ah jiritaankooda, sidoo kalena aanan la haynin wax lagu diido ama lagu inkiro, marka inta ay wax kala cadaanayaan mana rumeyneyno mana diidayno.

Goorma ayuu soo ifbaxay Ilxaadku?

Ma jirto taariikh xaddidan oo la dhihi karo waa ambaqaadkii fikirka ilxaadka ee alla iyo diintaba la colka ah, tan iyo intii koonka la abuuray waa ay jirtay doodda xaqa iyo baadilka, alla rumeyn iyo alla diid.

Qoraaga la yiraahdo Ramsiis Ciwad waxa uu leeyahay “Ilxaadka kuma bilaaban markii hore diidmada jiritaanka Alle, ee waxa uu ku billawday diidmada fikirka hoggaanka Kaniisadda iyo hab dhaqankooda, maadaama ay hoggaanka kaniisadda ay lahaayeen gacan sarreynta hoggaanka diimeed, kan siyaasadeed iyo kan dhaqaaleba, ma aheyn mid fudud in mulxidniitu caddeystaan fikirkooda, dadka lagu tuhmo in ay yihiin mulxiddiinna waxa ay ahaayeen kuwa aan sumcad ku dhex laheyn bulshada, taasoo ku qasbi jirtay in ay qoraalladooda kusoo gudbiyaan magacyo aanan la aqoon”.

Professor Julianne Begenau waxa uu leeyahay “kacaankii faransiiska 1789kii waxa uu ahaa marxaladdii ugu muhiimsanadeyd ee daaha laga rogay doodaha la xariirto Alla iyo diinta”.

Kacaanka faransiiska waxa saldhig u ahaa in la iska dul qaado heeryada boqortooyada iyo kaniisadda oo isu baheystay musuq, maamul xumo iyo cabburinta dadweynaha, taasoo kacaanka halku dhegyadii ugu caansanaa ay kamid aheyd “Ku marjiya boqorka ugu danbeeya xiidmaha wadaadka ugu danbeeya” yacni hal mar halaga wada takhalluso boqortooyada iyo kaniisaddaba, taasi oo doodda asalka ilxaadka u yeeleysa ujeedooyin siyaasadeed iyo kuwa nololeed ee bulshooyinkii uu kasoo billawday.

La soco Q2aad ee duruufaha shakhsi iyo tan bulsho ee kaalinta ku lahaa hanaqaadka Ilaxaadka ee waddamada Galbeedka.

W.Q; Maxamed Cabdullaahi Goosaar

Source; Halbeeg.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here