Waa maxay ilxaadka ama Alle diidka? Qeybtii 3aad.

0
634

Waa maxay Ilxaadka ama Alladiidka

Qaybtii 3xaad

Qormadii na dhaaftay waxaan kaga soo hadalnay duruufaha shakhsi iyo nololeed ee dadkii hormuudka u ahaa fikirka Alladiidka, iyo sida ay xeel dheerayaasha cilmunafsiga isugu xireen u nuglaanta qaadashada fikirkaas iyo duruufahii nololeed ee lasoo darsay.

Qormadana oo ah tii sadaxaad ee aan kaga hadleyno Ilxaadka ama Alladiidka sida af soomaaliga lagu yiraahdo, waxaan kaga hadleynaa “Duruufaha Bulsho ee jiray xilligii uu hana qaaday fikirkan”.

Qarniyadii dhexe ee loo yaqaan “Middle Ages” oo ah tobanka Qarni ee u dhexeysay Qarnigii 6aad illaa Qarnigii 16aad, qaaradda Yurub waxa ay soo martay duruufo nololeed, caafimaad ahaan, siyaasad ahaan, iyo diin ahaan kuwii ugu xumaa ee abid taariikhda Yurub ay xusto, waxa ka dhacay dagaallo qaraar, waxaa ka dillaacay abaaro aad u ba’an, waxa ku baahay daacuun safmar ah oo la magac baxay  “The Black Death”, kaasoo ay ku dhinteen tiro lagu qiyaasay 1/3 dadkii Yurub ku noolaa xilligaas.

Sidoo kale waxa is baheystay boqortooyo musuq badan iyo kaniisadda oo shacabka u garba duubi jirtay boqortooyada una sheegi jirtay in boqorku yahay hooskii Ilaahay ee arlada ciddii boqorka caasisana ay Allah ku caasisay.

Waxa ay boqortooyadana la dagaallami jirtay dhaqdhaqaaqyada aqooneed iyo isku day kastoo la xiriiro fikir cusub iyo hal abuur cilmiyeed, waxaa la xirxiri jiray la maxkamadeyn jiray cid kastoo sheegto wax ka baxsan waxa bibleka ku qoran, waxaa la gubi jiray buugaagta iyo qoraallada aqoonyahnnada culuumta dhabiiciga ah, waxaa buux dhaafiyay xabsigii caanka ahaa ee Pastel, kaasoo la dhagax dhigay sanadkii 1370kii miilaadiga, dhismahiisana waxa uu socday muddo 12 sano ah, ujeeddada markii hore loo dhisayna waxa ay aheyd inuu noqdo qalcad lagu sugo ammaanka magaalada Paris oo hadda ah caasimadda Faransiiska, kaddib waxaa loo badalay Xabsi lagu aruuriyo dadka aan siyaasad ahaan la dhacsaneyn Boqortooyada ama fikir ahaan khilaafsan Baadariyada kaniisadda, sadax qarni kadib waxa uu noqday halkii uu ka dhaqaaqay kacdoonkii lagu jabiyay Boqortooyadii iyo Kaniisaddii isgaashaan buursanayay.

Dadweyne careysan ayaa 14 July 1789kii xoog ku galay xabsiga kuna guuleystay inay oodda ka rogaan maxaabiis boqolaal ah oo ku xareysnaa, diiwaanka maalinkaas loogu tagay xabsiga waxa uu dhigayay in tan iyo mudadii la bilaabay in loo adeegsado xabsi ahaan lagu soo xiray dad gaarayo 5279 qof.

Sida dabiiciga ah marka ummad mudda badan kusoo jirtay caburin iyo cadaadis marka ay hesho jawi xoriyad leh waxaa soo if baxdo cadaawadda gaamurtay ee loo qaado ciddii ka masuulka aheyd gabood falkii soo dhacay muddadaas. Haddaba waxii u horeeyay ee kacaankii uu salka u dhigay waxa uu noqday yagleelidda waxa loo yaqaanno “Secularism” ama “Cilmaaniya” oo Diinta iyo Siyaasadda la kala madax banneyo, Diinta aysan wax saameyn ah ku laheyn siyaasadda iyo nolashaba, dadkana xor u yihiin mowqifkooda ku aaddan diinta.

Xoriyaddii laga dhaxlay kacaanka kuma ekaanin arimaha siyaasadda ee waxaa dood furan la galiyay jiritaanka Alle iyo asalka diimaha, taasoo cid aqoon leh iyo cid aysan u bilaawneyn u sintay aragti ka dhiibashada jiritaanka Ilaahay iyo asalka diimaha, natiijadiina waxa ay noqotay in doodaha qaar ay tibaaxaan inuusanba jirin wax la dhaho Ilaahay, ayagoo ku andacoonayo in adduunka iskiis u abuurmay dadkuna u fakaraan habkii ay u noolaan lahaayeen kaliyah. Intaas kuma aysan ekaane waxa ay ku doodeen in dadku Ilaah u yaqaanaan waxii ay aqoontoodu gaari wayso, oo markastoo uu hab fikirka aqooneed horumar sameeyo waxaa soo yaraanayo ku tiirsanaanta awood sare oo mala awaal ah oo loo yaqaan Ilaah, waa sida ay ku doodeene, hase ahaatee Soomaalibaa horay ugu maahmaahday Nin kaligii garamay iyo Nin dhul toogtay midna ma gafaan.

In badan oo carabta iyo muslimiinta ah ayaa duuduub u liqay dood noocaas ah ayagoo xeerinin maxaa kala duwanaansha duruufeed iyo waqtiyeed oo u dhexeyn karo dunida muslimka iyo galbeedka? Annaga ka muslim ahaan dib u dhaca na haysto ma mid masaajidka u sabab yahaa oo u baahan inaan ka xorowno mise waa dib u dhac dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed oo sababo gudaha iyo kuwa dibada lehbaa? maxaa farqi u dhexeyo hab-dhiska kaniisadda iyo dowrkeeda diineed ee xilligaas marka la barbardhigo tan muslimiinta? is weydiimahaas iyo kuwa kale oo badan ayadoon jawaabtooda leysku dhibin ayaa dusha lasoo saartay.

Hadduu Alla yiraahdo qormadeena soo socoto waxaan kaga hadli doonaa dadka mulxiddiinta ah ama alla diidka ah doodaha ay qabaan marka ay Islaamka ka hadlayaan iyo sababaha ay kaga biya diideen.

W.Q; Maxamed Cabdullaahi Goosaar

Xigasho; Halbeeg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here