Waa Maxay Ilxaadka ama Alle Diidka? Qeybtii 4aad.

0
731

Waa Maxay Ilxaad ama Alladiid?

Q4aad

Qormadii 3aad waxaan ballanqaaday inaan qormadeenna xigta kaga hadli doono “dadka mulxiddiinta ah ama alladiidka ah doodaha ay qabaan marka ay Islaamka ka hadlayaan iyo sababaha ay kaga biya diideen” haddaba intaanan u gudbin nuxurka qormada waxa aan jeclahay inaan ka hormariyo afeef ah in Qormadan aysan aheyn mid aan kula doodeynno mulxidiinta ama aan ugu tala galnay inaan jawaaba kaga bixino eedahooda, ee waa mid aan ugu talagallay in akhristaha Soomaaliyeed aan ugu iftiiminno jiritaanka fikirka Ilxaadka ama Alladiidka, asalkiisa halka uu ku abtirsado iyo halkuu geedigiisa u raranyahay.

Waa ay jiraan doodo lala galay iyo jawaaba laga bixiyay dulucda doodahooda, walina waa ay socotaa, qoraal iyo muuqaallaba waa laga sameeyay, dunida carabta, laakiin Soomaaliya wali heerkaasi ma gaarin, sababtuna waa Alladiidka Soomaaliyeed oo ah mashruuc bilaaw ah, inta badan dadka ku qancay oo aan gaarin heer ay bannaanka isasoo dhigaan, sababa la xariira duruufaha amni ee dalka ka jiro, ka baqidda culeys kaga yimaado qoysaskooda iyo qeybaha kale bulshada, inbadan oo kamida waxa ay u qaateen alladiidnimada si laab la kac ah mana ahan kuwa u diyaarsan difaacashada waxa ay qaateen, taasoo ka dhigeysa xaaladda Alladiidka Soomaaliyeed mid mugdi badan ku gadaamanyahay, tira koob sax ahna aanan laga haynin, kuna kala firirsan gudaha iyo dibaddaba, laakiin baraha bulshada aad looga dheehan karo dhaqdhaqaaqyadooda.

Marka aad dhuuxdid qoraallada iyo aragti dhiibashada dhalinta alladiidnimada calmatay doodahooda ka dhanka ah Ilaahay iyo diintiisa waxa ay beegsataa arimahan soo socdo:

Jiritaanka Ilaahay: marka ay timaaddo waxa ay kala baxaan laba qeybood, qeyb tiraahdo Annagu ma aaminsanin jiritaanka wax la yiraahdo Ilaah, Adduunkan waa mid iskiis u sameysmay oo dabeecadu sameysay, ayadaana mar waliba is dheelitirto si ay nolasho usii socoto, waxa kaliya ee la aamini karo waa un waxii tijaabo cilmiyeed lagaga salgaaro, waxii kasoo harayna waa un faataa dhug ama kutiri-kuteen qaan gaartay, diidmadaas kuma ekaadaane waxa ay weerar afka ah ku qaadaan danta Ilaahay ka leeyahay adduunkan, waxa ay su’aalo galiyaan sababta uu u abuuray sharta, faqriga iyo colaadaha. Waxaa jirto qeyb labaad oo rumeysan jiritaanka Ilaahay ama awood sare oo ka danbeyso abuuranka adduunka, laakiin diidan jiritaanka wax calaaqa ah oo ka dhexeyso ayaga iyo Ilaahaas.

Rasuulkii Alla soo diray: waxa ay ka simanyihiin in si aan gabbad laheyn geeska ugu daruuraan saxnimada nabinimadiisa iyo in xag Alla lagala soo hadlay, waxa ay ku doodayaan in aysan haynin wax caddeyn ah oo ay taaban karaan inuu yahay ergay xag Alle laga soo wakiishay, qaar waxa ay u hadlaan si ka baxsan anshaxa aanan u qalmin maqaamka nabiga inaan halkaan kusoo gudbiyo.

Quraanka Kariimka ah: waxa ay si duuduub ah u diidaan inuu yahay hadal Ilaahay, mar waxey yiraahdaan waa mid xilliyeysnaa oo dadkii Nabiga la noolaa ku socday, oo dunidan horumartay aanan waxba ka galin, mar waxa ay yiraahdaan waa diin carbeed oo inta afka carabiga ku hadasho ugaar ah, mar waxa ay yiraahdaan wuu iska hor imaanayaa wuuna is burinayaa, mar waxey yiraahdaan sayniska ayuu ka hor imaanayaa, marar waxa ay beegsadaan mawaadiic gaar ah sida addoonsiga aadanaha oo lid ku ah xuquuqul insaaka.

Xaaladda nololeed iyo dib u dhac ka jiro dunida muslimka ah waxa ay u tiiriyaan in Islaamku sabab u yahay, oo dunida ka xorowday diimaha ay horumar gaartay.

Waxaa xusid mudan in doodaha Alladiidka Soomaalida ee ku aadan Islaamka ay yihiin dooddo dhinac ka raran, ka dhar la’ caddaaladda iyo ammaana naqdinta cilmiga ku dhisan, waxa ay shaki galiyaan aragti walboo islaamka ka qabo nolasha, waxa ay marag madoonto ka dhigaan eedeyn walba oo kuwa Islaamka la col ah islaamka u jeediyaan.

Mid baa diiday in wax qabadkii dowladdii Cumar Bin Khadhaab laga dhigo wanaag Islaamku leeyahay asagoo ku dooday Cumar baa kartidiisa iyo ragannimadiisa ku keensaday, isla fadhigii ayuu ku dooday in falalka daacish iyo kooxaha la midka aysan aheyn ijtihaad qaldan oo shakhsiyaad la yimaadeen ee ay tahay mid Islaamka nuxurkiisa ah.

Soo heli meysid hal daraaso ama maqaal oo si cilmiyeysan Alladiidka Soomaaliga ah ay ku lafa gurayaan doodahooda, wax ka sheegga Islaamka waxa ay u cuskadaan Yutuberska Alladiidka carabta iyo reer Galbeedka ee Islaamka la colka ah, oo iyaga qudhooda ku yartahay is xilqaamka ilaalinta amaanada fikirka.

 Waxa ay si ula kac ah u xushaan meelaha ay is leeyihiin weerarkiina wuu ka shiish qaadan karaa, ayagoo misena iska indha tiro jawaabaha ay ka bixiyeen culimada Islaamka, waxa uu jecel yahay mulxidka Soomaaliga ah inuu jilo dowrkii Abuujahal iyo Abuulahab, hadana waxa uu dhaliil u arkaa in muslimka la doodayo uu soo daliilsado mawaaqifta iyo aragtiyada culimada Islaamka.

Haddaba waxaa muhiim ah inaan dib u jaleecno xilligii Nabi Muxamad lasoo saaray NNKH waxaa si cad uga horyimid oo dagaal af iyo addin ahba ku qaaday in badan oo ka mid ah dadkii noolaa xiligiisii, ha noqdaan reer Qureysheed iyo qoyskii uu asaga ka dhashay ama ha noqdaano kuwa ka baxsan, Quraanka kariimka ahna waxa uu nasoo gaarsiiyay eedeymo kala duwan oo ku wajahan nabiga shakhsiyaddiisa iyo risaaladiisa labadaba, waxaana kamid ah eedahaas: (in Ilaahayadii badnaa uu mid kasoo reebay, inuu nin waalli iyo sixir qaba uu yahay, inuu la yimid howl ugub ah oo aanan awoowyaashii hore aanan laga soo gaarin, suurtagalnimada inay ka tagaan diintii dhaxalka awoowyaal qaataanna middan cusub ee Muxamad, iyo kuwa lamid ah).

Markii si deggen loo eego eedahaas iyo aragtiyaha ay ka duulayeen waxaa la dhihi karaa waa mid laga filan karay, bulshadii uu kasoo dhex baxay Nabi Muxamad NNKH, laakiin qof muslim ah kana soo jeedo bulsho qarniyaal badan muslim aheyd waliba aysan ka dhex jirin diima kale oo aan Islaamka aheyn inuu qaato mawaaqif aad u fog oo lid ku ah dhammaan wax kastoo ka tarjumaayo heybtiisa diineed ee muslimnimo waa arrin u baahaan sababeyn hufan kana fog laablakac iyo meel gaaban ka eegis, waana midda aan ku qaadaa dhigi doonno qormadeena soo socoto ee 5aad hadduu Alla nagu simo.

W.Q.; Maxamed Cabdullaahi Goosaar

Xigasho; Halbeeg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here