Waa Maxay Ilxaadma ama Alle diidka? Qeybtii 2aad.

1
710

Sida aan gabagabadii qormadeenii hore kusoo xusnay waxa aan qeybtan ku lafa guri doonaa sida uu Ilxaadka ku billawday, duruufahii kala gadisnaa ee saameynta ugu weyn ku yeeshay dadkii ugu cadcaddaa ama aadka uga dhex muuqday fikirka Ilxaadka, iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray, taasoo noo caddeyn doonto in Ilxaadkuba ku yimid felcelis ku aadan waxa qof ama kooxi si un uga biya diidsaneyd.

Qoraaga caanka ee  Paul Votz oo khabiir ku ah cilmu nafsiga iyo ilxaadka  waxa uu leeyahay “qof kasta oo mulxid ah (alla diid) oo ku adadag aragtiyaddiisa ilxaadka si kastoo uu usoo bandhigo sababo cilmi iyo kuwa Caqli gal ah oo ku riixay inuu qaato fikirka Ilxaadka waxaa mar waliba soo ifbaxo sababo nafsi ah, kuwa shakhsiyadeed ama kuwa bulsho oo lahaa sababta uu Ilxaadka u doortay”.

Nuxurka dooddiisa waa qofka qaata Ilxaadka inta badan waxaa ku dhaliyo marka hore waa duruufo u gaar ah qof ahaan ama bulsha ahaan, kaddib ayuu qofkaasi raadiyaa sababa cilmi iyo caqli oo uu ku sheego iney tahay sababaha ka danbeeyo mulxidnimadiisa.

Dr. Cumar Shariif oo wax ka qoro arimaha Ilxaadka waxa uu leeyahay “sadaxda saameyn ee niyad ahaan, qof ahaan iyo bulsha ahaan ee ilxaadka waxa aan saldhig uga dhigi karnaa inaan isku xirno qofka da’diisa iyo wacyigiisa” isaga oo ula jeedo in saameeyayaasha qofeed ama nafeed ay xoog badanyihiin markastoo qofku ilxaadka ku qaato dhalinyaranimo.

Khabiirka cilmu nafsiga ee la yiraahdo  Benyamin Hilhami waxa uu daraasad ka sameeyay duruufaha nafsi ee xubna gaarayo 320 oo ka tirsan urur la yiraahdo “Midowga Mareykanka ee horusocdnimada Alladiidka” waxa ay noqotay natiijadii kasoo baxday daraasadiisa sidan:

  • 50% ka badan dadka qaatay fikirka ilxaadka ayagoon gaarin 20 jir waxa ay ahaayeen kuwa ayagoo yar waayay mid ama labadii waalid ee dhashay, iyo intooda badan aysan kusoo barbaarin nolol dhallaanimo oo xasilan.
  • Kani waxa uu Alla diid u noqday in ay is yeelan waayeen wanaag badnidii uu filanayay iyo nolasha adag ee uu la kulmay, waxa hoos u dhacay yididiishiisii, waxa uu indhaha ku kala qaaday duni sharta ay hareysay, ma noqon sidii uu ka fahmay waalidkiis markuu yaraa.
  • Tani waa gabar ku barbaartay jawi iimaan ka jiro, laakiin markii ay banaanka usoo baxday adkeysi uma yeelan shakigii u horeeyay ee iimaankeeda la galiyay.
  • Kani waa mid kusoo barbaaray canaan, caga jugleyn iyo dareensiin inuu yahay mid aan dadnimo laheyn, markii uu hana qaaday waxa uu ku gadooday wax kasta xitaa awooddii qarsooneyd ee ku abuurtay awood uu ku gadoodi karo.
  • Kani waxa hortiisa lagu dilay saaxiibtiis, waxa dilay burcad baad ka dooneysay.

Natiijadan waxaa taageeray Paul Vitz oo ku doodayo in Aabaha uu ku leeyahay kaalin halbowle sameysanka nafsiyadda Ilmaha ee ku wajahan Rumeynta Alle ama Alla diidnimada.

Waxa ay inta badan isku raaceen khubarada u leh aqoon durugsan Arimaha Ilxaadka in qoyska uu aabbaha inta badan ka maqanyahay oo aanan la laheyn xiriir dhaw oo ka warqabid ilmaha, iyo aabaha marwaliba joogo laakiin ilmaha kula dhaqmo si arxan darra ah iyo daryeel la’aan, in labadaba ilmahaas halis u noqdaan qaadashada fikirka ilxaadka.

Sigmund Freud oo lagu tilmaamo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Alla diidka waxa uu leeyahay, markastoo ay meesha ka baxdo saameynta talada aabaha ilmuhu waxaa u sahlan in ay lumiyaan iimaankooda.

Waxaa dib laga ogaaday in Freud naftiisa uu kamid yahay ilmaha ay saameynta nafeed ee ka dhalatay waalid la’aanta darteed u qaatay fikirka Ilxaadka.

Sigmund Freud, sabab u raadinta ilxaadka waxa ay la gashay meelaha ugu xun ee caqliga fiyow uusan qaadan Karin, waxa uu alifay aragti uu ugu magac daray “urugadii Oodib” “Oedipus complex” taasoo uu leeyahay xilli aad u fog ayaa ilmaha waxa uu damac galmo ka galay hooyadii dhashay, si ay damacooda u meel mariyaan waxaa qasab noqotay in ay aabihii ka takhalusaan, markii ay aabihii dileenna waxa ay dareemeen in ay galeen danbi weyn taasina ku dhalisay in markii hore ay nin walba aabbe ka dhigtaan, markii danbe waxa ay go’aansadeen in ay niyadda ku dhistaan aabbe weyn oo samada ku jiro oo la yiraahdo Ilaah waana halka ay ka timid  fikradda jiritaanka Ilaahay iyo diimahaba.

Sidaasi si lamid ah dhalinyara badan oo muslim ahaa kuna nool waddamada Islaamka iyo carabta waxa ay miciin bideen Ilxaadka, kaddib markii ay ka niyad jabeen duruufaha nololeed iyo tan siyaasadeed intaba ee dalalka Islaamka iyo carabta.

Dr. Cumar Shariif waxa uu leeyahay: “markaan dib u eego doodahii aan la qaatay dhalinyarada mulxidiinta ah ee waddamada carabta waxaa iisoo baxday in aysan wax waqti iyo dadaal ah ku bixinin marmarsiinyooyinka caqliyeysan ee ay sabab uga dhigayaan ilxaadkooda, xitaa kuwa saxnimada quraanka iyo rasuulka doodaha galinaya iskuma aysan dhibin in ay akhriyaan jawaabaha laga qoray arimahaas.

Dr. Cumar Shariif waxa uu kusoo khatimay hadalkiisa “waxaa ii caddaatay in dhalinyaradeena ay go’aan diidma ah ka qaateen waxa ugu muhiimsan nolasha aadanaha oo ah (jiritaanka Ilaahay) ayagoo aanan ku bixinin waqti iyo maskax”.

Qeybta soo socoto waxa aan ku qaadaa dhigi doonaa duruufaha bulsho iyo tan siyaasadeed ee qeybta ka aheyd soo if baxii fikirka ilxaadka.

W.Q; Maxamed Cabdullaahi Goosaar

Xigasho; Halbeeg.com

1 COMMENT

  1. Walaal waxaan idin ka codsanayaa inaan joojisaan barnaamijkan wlhi fasahaad Kan ugu sun waayo in ladabagalo wado shaydaan si wax Logan ogaado xldisa waxay horseedaa Lumid wll alle kacabso hadaad commentigayga aqriso wll hadii la iiga ra yi badnaado
    Xitaa alle Dartii ujooji waayo waxaad si positive aad u gudbinayso ayaa maskaxda muslimiinta negative uu shaydaan ku u marsiinayaa waa codsi hadal kooban la Shah oo muhiim ah Allah diidka kadib ka gudub ha u sameyn musalsal fadlan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here