Waxaan wada ogeyn bilawgii sanadkan Stylish Star Allu Arjun inuu la imaaday filimkiisa Telugu ahaa Ala Vaikunthapurramuloo kaasi oo All Time Blockbuster noqday sidoo kalena iskooro waali ah ka dhigay tiyaataradana aadna loo jecleestay fariinta mashruucan iyo bandhiga Superstar-kan.

Haatan kooxda filimka Ala Vaikunthapurramuloo iska leh waxay shaaca ka qaadeen iskoor waali ah inuu mashruucan sameeyay welina jaceylka loo qabo aysan soo idlaanin inkastoo masraxa la saaray 5-bilood ka hor.

Si rasmi ah kooxda filimka Ala Vaikunthapurramuloo waxay shaaca ka qaadeen in wadarta guud Album-ka heesaha mashruucan daawashadiisa marka la isku daray in 1-bilyan oo qofood si Online ah barta Youtube-ka kaga daawadeen waana iskoor waali ah oo aan horey loo arkin in filim heesihiisa wadar ahaan intaas qof daawadaan.

Album-ka Ala Vaikunthapurramuloo waa mid Classic ah hees walbana siweyn ayaa loo jeclaaday waana sababta keentay in kooxda mashrucan u dabaal dagaan in 1-bilyan oo qofood barta Youtube-ka oo hal kanaal kaliya ka daawadaan.

Filimka Ala Vaikunthapurramuloo waxaa Director ka ahaa Trivikram sidoo kalena Allu Arjun waxaa ku wehliyeen Pooja Hedge, Tabu, Murli Sharma iyo jilaayaal kale waxaana haatan la isla dhex maraa asigoo Bollywood ama Hindi ah dib loo sameyn doono waxaana hogaamiye looga dhigi doonaa Kartik Aaryan balse weli si rasmi ah arinkaas looma xaqiijinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here