waxaa dhawr jeer aragtay Karishma iyo Raveena oo ah saaxibo isku dhow ka dib markii ay daawatay aflaamta kala ah Andaz Apna Apna iyo aatish iyagoo ahaa saaxiibo isku dhow ah

iyadoo xitaa Farah khan ay sheegtay in labadooda ay yihiin kuwa ka dhaxeeyo isfaham weyn markii ay wada duubaayeen hees ka mid ah filimka Andaz Apna Apna

laakiin markii laguda galo noloshooda dhabta ah waa kuwa aan ka dhaxaynin jaceyl iyo wanaag kale taaso ilaa hadda ah mid taagan maadaama dhawaanahan aan la arkin iyagoo wada kulmaya

waxaana weli meesha taalo dhacdo hadda ka hor labadooda dhex-martay waxaana sabab u ah dagaalka labadan atariisho aktarka lagu magacaabo Ajay devgan dib ugu laabo 90s ajay marka uu fanka soo guda galay waxa uu xariir jaceyl kala dhaxeeyay atariishada Raveena tandon

ka dib markii ay muda wada socdayn ayuu Ajay Devgan ku daadiyay kana tagay atariishada Raveena isagoo jaceyl waali ah u qaaday atariishada Karishma kapoor

iyadoo Raveena ka dib markii Ajay uu kaga baxay balanta waxaa ku dhacay niyad jab weyn iyadoo wax walba banaanka soo dhigtay iyadoo Ajay ku tilmaamtay khiyaanoole weyn Raveena ayaa xitaa waxa ay u baahatay dhakhtar xaga dhimirka ah

waxaana Raveena midaas ay u sababeenayso inay ka xoogtay Ajay devgan atariishada karishma kapoor waxaana markaas iyo wixii ka dambeeyay labadan atariisho ay safaaradaha kala qaatayn waana colaad ilaa hadda taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here