Atariishada lawada jecelyahay ee Deepika Padukone ayaa ka baaqsatay safar ay todobaadkaan ku tagi laheyd magaalada Paris ee wadanka France halkaasoo uu ka dhici rabay bandhig Fashion ah.

Balse Deepika safarkaas isaga baaqsatay kadib markii ay ka cabsatay halista caabuqa aduun weynaha dhawaanahaan ku faafay ee Corona Virus.

Maadaama bandhiga uu yahay mid la is dhex galaayo ayay Deepika u diiday inay bandhigaas ka qeyb gasho wuxuuna sheegay qof magaceeda ku hadlaayay in Deepika dooneysay tagista bandhigaas hase yeeshee halista cudurkaas uga baaqsatay.

France ayaa haatan kamid ah wadamada uu sida xowliga ugu faafayo cudurkaan Corona Virus kaasoo aanan ilaa haatan loo helin wx daawo ama kahortag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here