Waa maxay sababta loo joojiyay taxanaha Canevim (Qalbi).

0
691

Taxanaha Canevim wuxuu kamid ahaa taxanayaasha loogu talo galay dadweynaha iney daawadaan xiligii xagaaga waqtigaasoo inta badan taxanayaasha fasax ku maqanyihin balse waxaa jiraan taxanayaal lagu sii sugo kuwaasoona hadii guulo gaaraan baaqi sii ahaadaan.

Hadaba taxanaha Canevim wuxuu kamid ahaa taxanayaashaas asigoona ahaa taxane Drama caadi ah kana bixi jiray kanaalka ATV waxaana hogaamiye ka ahaa jilayaasha kala ah Aras Aydin, Biran Damla Yilmaz iyo Ozgur Cevik.

Taxanahaan inkastoo xalqooyinkiisii hore Ratingooda heer sare ahaa hadana hoos u dhac ayuu gadaal ka sameeyay taasoona sababtay in xalqada 17aad lagu joojiyo asigoona gabi ahaantiisaba la joojiyay 30kii bishii September ee sanadkaam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here