Rebel Star Prabhas wuxuu ka mid yahay atoorayaasha Koonfur Hindiya ugu awooda badan sidoo kalena atirishada Samantha Akkineni waa xidig awood badan oo hogaanka u heyso dhanka atirishooyinka Koonfur Hindiya laga dambeeyo balse labadan la wada jecel yahay weli ma aysan u suura galin inay shaashada kasoo wada muuqdaan.

Prabhas ayaa banaanka soo dhigay sababta weli aysan u suura galin in isaga iyo Samantha oo la wada jecel yahay hal filim kasoo wada muuqdaan isla shaqeynin wuxuuna midaas ku sababeeyay arin lama filaan ah wuxuuna dhahay “Waan jeclaan lahaa Samantha inaan isla shaqeyno waxaan u hayaa xushmad balaaran balse waxaan u maleynaa farqiga dhanka dhirirka noo dhaxeeyo awgeed filim sameeyayaasha mashruuc noogu wada dhiibi weesan yihiin”

Warka Prabhas waxaa loo fahmay Samantha waan ka dheerahahay mana isku soo baxeyno haddii aan shaashada soo wada galno waayo xidigan dhirirkiisa waa 1.82m halka Samantha iyadana dhirirkeeda yahay 1.52m ilaa 1.58m u dhaxeeyo taasi oo ka dhigan in Samantha in badan ka gaaban tahay Rebel Star Prabhas. Waxaana xusid mudan in isku beegmatay xili Samantha u dabaal dageyso sanad guuradeedii 33-aad iyo Prabhas oo u dabaal dagayay in sedex sano kasoo wareegatay daawashada filimkiisii Bahubali – The Beginning ee iskoorada lixaada leh dhigay.

Dhinaca shaqada Prabhas waxaa u diyaarsan filimkiisa 20-aad ee Pooja Hedge la jileyso kaasi oo warbaahinta ugu yeerto Jaan sidoo kalena wuxuu sameyn doonaa filim weyn oo 5-luqadood ka badan lagu daawan doono waana mashruuciisa 21-aad waxaana Director ka noqon doono Nag Ashwin.

Dhinaca Samantha markii aan fiirino waxaa u diyaarsan filimka Kaathuvaakula Rendu Kaadhal oo ay isla jilayaan Vijay Sethupathi iyo Nayanthara. Sidoo kalena dhanka Digital-ka ayay ku biirtay ayadoo soo wado filim si Online ah loo daawan doono oo la dhaho Family Man Season 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here