Shah Rukh Khan waa mid ka mid ah jilayaasha ugu fiican ee soo maray fanka India haduusan ahayn kan ugu wanaaagsan isagoo lagu tilmaamo inuu yahay King Bollywood ama King Khan

Shah Rukh Khan ayaa sanadkan 2019 qaatay go’aan cajiib ah kaaso ah inuusan samayn wax filimka ah ka dib fashilkii filimka Zero kaaso la daawaday sanadkii 2018

ka dib markii uu Shah Rukh Khan ka fashilmay filimka Zero Shah Rukh Khan ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir taariikhda marka ay ahayd January 13, 2019 waxaana sawirkan ku wehlinayay wiilkiisa AbRam

sidoo kale sawirka waxa la socday qoraal kaaso dadka aysan fahmin micnihiisa iyo waxa uu Shah Rukh Khan ugu dan lahaa isagoona soo qoray ereyo qoraalo ka kooban Lazy’, ‘Couch’ and ‘Sunday

waxaana micnahaan loo fasiray inuu hadda maqlay ama uu qaatay talada xaaskiisa maadaama la joogo xiliga ku haboona isagoona erayga Lazy ula jeeday isaga halka Couch ka waday xaaskiisa sidoo kale Sunday ayaa waxa ay micno ahaan u taagan tahay inuu ka nasanaayo filim jilista maadaana ay tahay maalin nasiino

ka dib markii uu muddo sanad ah Shah Rukh Khan fanka ka maqnaa ayaa hadda aktarkan doonaya inuu dib ugu soo laabto filim jilista isagoona dhawaanahan ku mashquulsanaa sidii uu u xulan laha mashruuc uu kusoo ceshan lahaa awoodiisa fanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here