Waxaan shalay idinla wadaagnay in Super Star Aamir Khan uu ka codsaday saaxiibkiis Super Star Akshay Kumar in filimkiisa Pachchan Pandey dib u dhigo si aysan isugu dhicin filimada Lal Singh Caddha iyo Pachchan Pandey oo lagu waday in lawada daawado Christmas 2020ka.

Akshay Kumar ayaa aqbalay dalabka saaxiibkiisa wuxuuna dib u dhigay filimkiisa hadaba maxay tahay sababta uu Aamir Khan uga codsaday Akshey in filimkiisa dib u dhigo??

Sababtu waxay tahay hadii labada filim isku dhacaan misna ganacsi ahaan is curyaamiyaan oo Box Officeka ku fashilmaan waxay dhibaato ku tahay Aamir Khan halka Akshay wax dhib weyn u laheyn.

Waayo Akshay sanadkasta wuxuu la yimaadaa ugu yaraan 3 ilaa 4 filim kuwaasoo badankooda guuleystaan asigoona waayadaan dambe guulaha joogto u noqdeen hase yeeshee Aamir Khan guul daro ma xamili karo.

Waxaa ugu wacan Aamir oo oo 2dii sanaba hal filim la yimaado tusaale filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Thugs of Hindostaan kaasoo Flop noqday wuxuuna soo baxay 2018dii kadibna wax filim uma soo bixin hadii December 2020ka hadana ka fashilmo filimka Lal Singh Chaddha waxay ku noqoneysaa dhabar jab weyn.

Sidaas owgeed Aamir Khan diyaar uma ahan in dagaal Box Officeka kula galo aktar aysan guuldarada karin asigoona saaxiibkiis Akshay ka codsaday in Christsmaska asiga loo daayo waana arin uy Akshay aqbalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here