Atariishada Kanaga Ranaut waa atariisho inta badan muran aan ka dhamaanin balse dhanka shaqadeeda waa atariisho karti badan waliba filimada ay kasoo muuqato ayada uun hogaamiye ka noqoto misna dadweynaha ka gado.

Atariishadaan ayaa hadaba ninka ay jeclaan laheyd iney lamaane la noqoto ku xijeysay sadax shuruudood kuwaasoo kala ah.

1-Inuu ka caqli badanyahay ayada.

Kangana waxay leedahay nin aan ka caqli badanahay ma doonayo hadii ninka aan aniga ka caqli badanahay muxuu ii sheegayaa hadaba waa inuu ahaado nin iga caqli badan si uu qalbigeyga u helo.

2-Inuu ka qurux badanyahay.

Waa la yaab in Kangana lamaanaheeda ku xujeysay qurux waliba in ayada uu ka qurux badanyahay ayay kusii xujeysay oo waxay taagantahay nin aan ka qurux badanahay ma doonayo.

3-Inuu ka hibo badanyahay.

Kangana waxay dooneysaa nin hibo sare leh oo ayada ka karti iyo hibo badan.

Hadaba waa kuma ninka maanta Kangana ka caqli badin karo kana qurux iyo hibo badan?

Akhristow adiga shuruudaha Kangana sidee u aragtaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here