Sanadkii hore waxaan la kulanay niyad jab kadib markii dib u sameynta filimka Satte Pe Satte Superstar Hrithik Roshan hogaamiye ka noqon lahaa halka Farah Khan agaasime lahaa gabi ahaanba qorshahaas laga laabtay wuxuuna mashruucaas noqday mid meel la iska dhigo. Laakiin HR iyo Farah haatan ciwaano cusub ayay sameenayaan.

Ma filan doono Hrithik Roshan iyo Farah Khan inay filim cusub wada sameenayaan balse waxay labadan awooda badan ku midoobeen inay mashruuc kooban oo shirkad xayeysiin loo sameenayo ka wada shaqeeyaan, agaasinka muuqaalka Farah ayaa iska leh halka Hrithik Roshan qaadan doono doorka wajiga xayeysiinta lagu suuq geyn doono oo muuqaalkan laga duubayo.

Xayeysiintan waxaa haatan lagu duubayaa istuudiyaha Film City ee magaalada Mumbai ku yaalo waxayna Hrithik iyo Farah Khan ku dadaalayaan dadka goobta soo xaadirayaan in aad loo yareeyo saameynta karoonaha awgeed sidoo kalena qof aan shaqo ku laheyn muuqaalka xayeysiinta la duubayo inuusan goobta imaanin sidoo kalena dadka si joogto ah loo baaro ka hor inta aysan goobta imaanin ama marka ay ka tagayaan.

Hrithik Roshan iyo Farah Khan waxaa lagu wadaa shaqadan xayeysiin sameynta ah maalinta Isniinta ee berito ah inay soo gaba gabeeyaan balse macluumaad dheeri ah lagama haayo shirkada ay shaqadan u qabanayaan iyo lacagaha lagu siiyay labadan inay shaqadan xayeysiinta ah ku midoobaan.

Farah Khan iyo Hrithik waa saaxiibo dhow waxayna horey ugu agaasintay dhanka Danec-ga laba hees ee Hrithik ku faano kuwaas oo kala ah ‘Ek Pal Ka Jeena’ iyo ‘Idhar Chala Mai Udhar chala’ balse qof walbo wuxuu jeclaan lahaa inuu arko labadan oo hal filim ku midoobaan madaama Farah Director tahay horeyna u sameesay filimada hirgaleen oo ay ka mid yihiin Main Hoo Na, Om Shanti Om & Happy New Year.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here