Waa maxay sheyga uu Salman Khan ku waalanyahay aduunkana ugu jecelyahay iskuna dayo inuu markasta sameeyo?

0
1392

Salman Khan waa jilaaga ugu awooda badan Bollywoodka waqti xaadirkaan la joogo waana mid kamid ah jilayaasha loogu jecelyahay India hadaba maanta waxaan idiin heynaa hal arin oo idinka yaabin doonto.

Sallu ayaa aad u jecel inuu aruuriyo noocyada kala duwan ee saabuunta qubeyska waxaana la sheegaa in noockasta oo saabuun ah laga helo gurigiisa ha ahaato mid caleenta dhirta ka sameysan ama miraha ama khudaarta xitaa kuwa catarka ka sameysan.

Salman oo wax laga weydiiyay jaceylka uu Saabuunta u qabo ayaa yiri; “Waxaan jeclahay inaan ka dukaameysto meelkasta iyo waqti kasta”

Wuxuuna hadalkiisa raaciyay; “waxaan jeclahay inaan iibsado saabuunta gacan ku sameyska, dadka guriga joogo oo dhan wey ila yaabaan balse aniga waxaan doonayaa inaan barto sida saabuunta noocyadeeda kala duwan loo sameeyo”

Dhanka shaqada Salman ayaa haatan ku mashquulsan duubista mashruuciisa weyn ee Dabanagg3 kaasoo ay la wado atariishada Sonakshi Sinha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here