Maanta oo Jimco ah magaalooyinka waa weyn Hindiya fasaxyo ayaa ka jiraan madaama maalinta jaceylka aduunka tahay inta badana waqtigaan dhalinta tiyaatarada ayay soo aadaan waxaana maanta masraxa siweyn u heesto filimka tiyaatarada ku cusub Love Aaj Kal.

Balse sidoo kale aflaantii masraxa horey u saarnaayeen Malang iyo Tanhaji iyagana waxaa la siiyay tiyaataro ku filan oo ay ganacsi wanaagsan ku sameyn karaan fasaxa maanta jirana kaga faa’iideestaan, haddaba waa sidee xaalka labadan filim aan eegno maanta oo Jimco ah.

Filimka Malang ee Aditya Roy Kapur hogaamiye ka yahay subaxdii hore xiliga Hindiya wuxuu ku furmay 9.95% waana maalintiisa 8-aad ee uu tiyaatarada saaran yahay, kadib filimkan sare ayuu usii kacay xiliga duhurka Hindiya wuxuu gaaray 13.42% ayadoo la rajeenayaa inuu caawo fiidkii sare usii kaco waxaana qiyaas ahaan laga rajeynaa inuu Jimcadiisa labaad keeno 2 Crore ilaa 3 Crore ganacsi u dhaxeeyo.

Fadlan sawirka hoose kaga bogo filimka Malang sida uu maanta kaga gadmaayo magaalooyinka waa weyn ee Hindiya ku yaalo subaxdii hore iyo xiliga duhurka Hindiya halka uu maraayo iyo magaalo walbo tiyaatarada laga daawanayo:

Dhinaca kale Superstar Ajay Devgn filimkiisa Tanhaji maalintiisa 36-aad uu masraxa saaran yahay ayuu guda galay wuxuuna Jimcadiisa 6-aad ku furmay 9.23% subaxdii hore halka xiliga duhurka Hindiya uu gaaray filimkan 11.05% waxaana la rajeynaa fiidkii inuu sii karaar qaato qiyaas ahaana maalina 36-aad waxaa laga rajeynaa inuu filimkan keeno 50 Lakh.

Fadlan sawirka hoose kaga bogo filimka Tanhaji sida uu maanta kaga gadmaayo magaalooyinka waa weyn ee Hindiya ku yaalo subaxdii hore iyo xiliga duhurka Hindiya halka uu maraayo iyo magaalo walbo tiyaatarada laga daawanayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here