Mega Star Salman Khan ayaa siweyn hadal heynta Bollywood-ka u heesto kadib marki fariin cad uu u diray dhamaan atoorayaasha kale asigoo sheegay inaan marnaba lagu qabsan karin xiliyada fasaxa ugu muhiimsan wuxuuna dadka ku waabsaday muuqaalada iyo kaartooyinka laga soo bandhigay labadiisa filim waa weyn Dabangg 3 iyo Radhe.

Salman ayaa doorkiisa hirgalay Chulbul Pandey xarakaad dheeraad ah u yeelay soona bandhigay muuqaalo aad loola cajabay Dabangg 3 ku jiraan wuxuuna ku dhawaaqay in filimkan la daawanao 20 Dec 2019 sidoo kalena aan lagu qabsan karin Christmas 2019 waxaana Director ka ah Prabhu Deva halka Sonakshi Sinha iyo Kiccha Sudeep doorar muhiim ah ku leeyihiin.

Dhinaca kale Sallu wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay filimkiisa Radhe: Your Most Wanted Bhai in la daawan doono Eid 2020 weliba askari awood badan oo xarakeenayo ayuu mashruucan ku jilaa inkastoo labiska ciidanka uusan wadanin waxayna isku dhici doonaan filimka Laxmi Bomb ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay horeyna loo sheegay Eid 2020 la daawan doono.

Salman Khan ayaa ku guuleestay qorshihii uu lahaa waana in hadal heynta labadiisa filim xigaan Dabangg 3 iyo Radhe sare u qaado waxaana labadan mashruuc Director ka wada ah Prabhu Deva weliba taageerayaasha Sallu wey ka heleen muuqaalada laga soo bandhigay madaama xarakaadkii iyo Action-kii looga bartay uu dib usoo celiyay.

Fadlan hoos ka daawo muuqaalo kaartooyiinka iyo sawirada filimada Dabangg 3 iyo Radhe Sallu kasoo bandhigay oo ilaa iminka siweyn loo hadal haayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here