Waxaan dhawaan idinla wadaagnay in atariishadii bari samaadka ee Shabana Azmi ay shil baabuur halis badan ku gashay wadada dheer ee u dhaxeyso magaalooyinka Pune iyo Mumbai.

Atariishadaan oo markii shilka galeysay la socdeen ninkeeda ahna soo saaraha caanka ee Javed akhtar iyo darawalkeeda ayaa waxaa loola cararay isbitaal ka agdhawaa goobta shilka ka dhacay waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah balse ninkeeda Javed wax dhaawac culus masoo gaarin waxaana lamid ah darawalkeeda oo asna dhaawac fudud soo gaaray.

Javed Akhtar oo oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xaaskiisa soo kabaneyso misna dhaawacyada gaaray kasoo kabaneyso isla markaasna lagu wado in dhawaan isbitaalka laga bixiyo oo xaalkeeda haatan roonyahay.

Dhanka kale booliska India ayaa xabsiga u taxaabay darawalka Shabana Azmi oo lagu eedeeyay masuuliyad daro inuu sameeyo maadaama gaariga xawaare sare ku waday misna taxadar la’aan ah sidoo kale waxaa asna la xiray darawalkii gaariga xamuulka ahaa ay isku dhaceen waxaana labada darawalba lagu eedeeyay masuuliyad daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here