Wadanka UK ayaa kamid noqday wadamada uu dhawaanahaan sida xowliga ugu faafayay caabuqa Corona-Virus asigoona lagu soo waramayo ilaa iyo haatan in cudurkaan uu ku dhacay 321 qof oo wadankaas ku sugan.

Tiradaan oo si xowli ah ku faaftay aya todobaad kahor aheyd kaliya 21 qof waxaadna arki kartaa in mudo 7 maalmood cudurkaan kusoo kordheen 300 oo kiis cusub taasoona si xowli ku socoto waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socdo tirada intaas kasii badato.

Ilaa haatan Cudurkaan UK waxaa ugu geeriyootay 5 qof kuwaasoo uu cudurkaan haleelay iyadoo tirada ka caafimaaday misna laga daaweeyayna ay yihiin 18 qof halka 298da qof soo hartayna xaalkooda lala tacaalayo.

Hadii xaalka kasii daro misna Viruskaan la xakameyn waayo gabi ahaanba waxaa la joojin doonaa isu imaatinka bulshada wadankaas wuxuuna gali doonaa xaalad lamid ah mida haatan ay Italy gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here