Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday warbixin hordhaca ah oo ay kaga hadleyso filimka weyn Housefull 4 ilaa iminka sida tikit-kiisa hormariska loo iibsanayo madaama uu yahay filim weyn oo lagu beegay daawashadiisa feestada Diwali waxaana tiyaatarada la saarayaa Jimcadan (25 Oct 2019).

Housefull 4 tikit-kiisa hormariska loo iibsanayo Sabtigii ayay soo bilaabatay balse maanta oo Arbaco ah ah ayaa xawli loo iibsanayaa madaama filimkan muran xoogan dhexda ka galay oo ku aadan qaabka tiyaatarada loo qeebsanayo madaama filimada Madi In China iyo Saandhi Ki Aanch lala saarayo iyagana kooxaha iska leh tiyaataro ku filan ayay dalbadeen taasina waxay keentay in Housefull 4 Isniintii iyo Talaadadii tikit-kiisa wax badan laga iibsanin madaama is qab qabsi xoogan jiray.

Shabakad Boxoffice India (BOI) waxay sheegtay in ilaa iminka tikit-ka hormariska Housefull 4 si wanaagsan loo iibsanayo laakiin caqabada kale jirto waxay tahay Jimcadan fasax qaran ma jiro waa maalin shaqo sidoo kalena fasaxa ugu weyn ee Diwali isagana wuxuu kusoo beegmay maalin Axad arimahaas oo is kaashaday awgeed Housefull 4 maalinta kowaad bilaabasho waali ah ma sameyn doono.

Akshay Kumar filimkiisii ugu dambeeyay Mission Mangal bilaabo waali ah ayuu sameeyay tikit-kiisana si xad dhaaf ah ayaa loo iibsaday waxaana ugu wacnaa maalintiisa kowaad in daawashadiisa kusoo beegmatay 15-kii August maalinta xurnimada Hindiya sidaa darteed Housefull 4 sida Mission Mangal kale tikit-kiisa waali looma iibsanayo sidoo kalena wacdarihii uu Mission Mangal dhigay maalintiisa kowaadna ma dhigi karo.

Waxaa aad u fiicnaan laheyd in Housefull 4 Isniinta tiyaatarada la saaro marka fasaxa Diwali dhamaado wuxuu sameyn lahaa bilaabasho taariikhi ah balse midaas suurta gal ma ahan sedex maalmood lama dayici karo Jimco ilaa Axad oo uu filimkan ganacsi wanaagsan ku sameyn karo.

Ugu dambeyntii Housefull 4 haddii 10 Crore laga helo tikit-kiisa hormariska la iibinayo waxay noqon doontaa arin heer sare ah madaama Jimcadan maalin shaqo tahay waxaana lagu kalsoon yahay mashruucan Axad, Isniin iyo Talaado maal maha Diwali kadib inuu ganacsi aad u weyn sameyn doono balse sedexda maalmood ugu horeyso wacdaro lixaad leh ma sameyn karo inkastoo ganacsi wanaagsan uu sameyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here