Waa tanaa sababta ka dambeyso in uu filimka Mann Hit dhameystiran u noqon waayay.

0
3880

Filimka Mann wuxuu kamid yahay filimada ay soomaalida ugu jeceshahay ayadoona gudaha soomaaliya aad looga xiiseeyo balse India filimkaan wuxuu ka noqday Average waana filim iska dhexdhexaad.

hadaba maxay tahay sababta ka dambeyso in Mann guul weyn gaari waayo?

sababtu ayaa waxay tahay in filimkaan horay loo sameeyay 4 jeer oo labo jeer Hollywood ayaa sameeyeen hal jeerna Bollywood iyadoona Teluguna hal jeer sameeyeen.

1939 Hollywood ayaa filimkaan sameeyeen markii ugu horeysay asigoona watay magaca Love Affair.

1957 markale ayay Hollywood sameeyeen filimkaan markaana wuxuu watay magaca An Affair to Remember.

1965 Bollywood ayaa Copy soo dhaheen wuxuuna watay magaca Bheegi Raat.

1999kii waxaa sameeyay Telugu asigoona watay magaca Ravoyi Chandamama.

1999kii markale ayay Bollywood sameeyeen wuxuuna toogtaan watay magaca Mann.

Sidaas owgeed dadka filimada ka faalooda waxayba leeyihiin nasiib ayuu ku lahaa inuu guul dhexdhexaad gaaro waayo qiso 4 jeer horay loo sameeyay in markale guul laga gaaro sahal ma ahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here