Sara ali khan sanadkii hore 2018 waxaa tiyaatarada loo saaray filimkeedii ugu horeeyay kaaso lagu magacaabo Kadernath waxaana la hogaaminaayay aktarka Sushanta Singh Rajput

iyadoo filimkan uu gaaray guul dhex-dhexaad iyadoo warar dhawaan soo baxaya ay sheegayaan in Saif ali khan uusan weli daawan filimkan sababo la xariira cabsi xoogan oo ku jirtay isaga xiligaas

iyadoo director filimkan ninka lagu magacaabo Abishek kapoor uu sheegay inuu Saif ali khan ku casuumay daawashada filimkan xiligii tiyaatarada la saaraayay

laakiin Saif ali khan kama uusan qayb-galin daawashada filimkan iyadoo sidoo kale Kareena ay xaqiijisay in saif ali khan uusan weli daawanin filimkan iyadoo hadalkeeda kusii dartay in Saif ali khan uusan weli u diyaarsanayn daawashada filimkan

madaama uu weli ku fikiraayo ama wal-wal badan ka muujinaayo sida iyo qaabka ay gabadhiisa ku soo bandhigtay filimkan maadaama uu yahay filimkeeda ugu horeeyay  laakiin Kareena kapoor waxa ay sidoo kale ay xaqiijisay in Saif ali khan uu mar dhow daawan doono filimkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here