3 khans waa sadaxda jilaa ee ugu awooda badnaa fanka India 25tii sano ugu dambeysay waxayna keeneen filimo badan oo waaweyn misna Box Officeka gilgilay sidoo kalana quluubta daawadayaasha la wareegay.

Hadaba jilayaashaa inta badan filimada ay kasoo muuqdaan ma jeclo in looga saameyn badnaato inta badana jilayaal kale misna miisaan leh shaashada kalama soo muuqdaan si aan filimka looga saameyn badnaanin balse waxaa dhacday in atariisho Bollywood ah 3 khans shaashada kaga saameyn badnaatay.

Sallu, SRK iyo Aamir intuu ay iska fiirinayeen raga kale ee atoorayaasha waxaa ka dhex siibatay atariisho taasoo sadaxdoodaba kaga awood badnaatay qaar kamid ah filimadooda hadaba atariishadaas qof kale ma ahan waa Madhuri Dixit.

Ugu horeyn Aamir Khan ayay ku garaacday filimka Blockbusterka noqday ee Dil ayadoona kaga saameyn badnaatay filimkaas.

Waxaa ku xigay Sallu oo ay kaga awood badisay filimka All Time Blockbusterka noqday ee Hum Aapke Hain Koun waliba siweyn ayay Sallu kaga saameyn badnaatay.

Ugu dambeyn Shahrukh Khan ayaa xigay ayadoona kaga awood badnaatay filimka Average-ga noqday ee Anjaam.

Waliba sidoo kale Sallu iyo SRK waxay siwadajir ah ula keentay filimka Hum Tumhare Hain Sanam ayadoona labadoodaba shaashada kaga awood badisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here