Waa tuma atariishada Burak Ozcivit kala soo muuqan doonto taxana Dirilis Osman?

0
1083

Waxaan horay idiin kula wadaagnay dhowr atariisho kuwaasoo qaarkood aan sheegnay iney Burak kala soo muuqan doonaan taxanaha Dirilis Osman kaasoo wali aan si rasmi ah shaaca looga qaadin atariishada Burak shaashada kula qeybsan doonto.

Hadaba waxaa soo baxay maanta warar sheegayo in gabadha la yiraahdo Ozge Teror oo wali ardayad ah taxanaha atariisho looga dhigi doono .

Ozge Teror waligeed wax taxane ah kama soo muuqan iskaba daayee iney hogaamiso waxayna haatan ku dhexjirtaa barashada jiliinka iyadoona sanadkii sadaxaad mareyso mana la yaqaano sida ay uga soo bixi karto taxanahaan weyn kaasoo uu hogaamiye ka yahay Burak Ozcivit balse waxaa la isku raacay in gabadha aad u qurux badantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here