Waa tuma atariishada hindida ah ay booliska ku raad joogaan taasoona shil gaari nin ku dili gaartay nin miskiin ah?

0
955

Atariishada Yashika Aannand oo horay u noqotaty xidigta barnaamijka Big Boss ayaa lagu soo waramayaa in gaari ay wadatay lagu dhuftay nin miskiin ah oo howlaha Deleveryga ka shaqeynaayay.

Atariishadaan iyo saaxiibadeed oo gaariga ku caweynaayay xili habeen ah ayaa waxaa dhacday in darawalkooda uu gaariga ku dhuftay qof jidka maraayay kaasoona naftiisa halis gashay.

Atariishada Yashika Aannand markii shilka dhacay meesha ma aysan sii joogin dhaawaciina isbitaal uma qaadin balse waxay qabsatay Taxi iyadoona goobta isaga carartay.

Falka ay atariishadaan ku kacday ayaa noqday mid dadweynaha aad uga caroodeen maadaama ninka dhaawaca soo gaaray uu dhiigbax u dhiman gaaray hadii aan laga soo gaari laheyna naftiisa halis gali laheyd.

Booliska India ayaa haatan arintaan baaris ku wado waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxdo iyo hadii Yashika xabsi muteysan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here