Waa tuma atariishada Hollywoodka oo 27 nin qol ay ku jiraan lagu amray iney isku qaawiso?

0
2891
Margot Robbie at arrivals for THE LEGEND OF TARZAN Premiere, The Dolby Theatre at Hollywood and Highland Center, Los Angeles, CA June 27, 2016. Photo By: Priscilla Grant

Atariishada Margot Robbie waa mid kamid ah atariishooyinka ugu caansan Hollywoodka waqtigaan la joogo ayadoona kasoo muuqatay filimaan badan oo hirgaleen.

Mid kamid ah filimada ay kasoo muuqatay waa filimka The Wolf of Wall Street kaasoo ay kala soo muuqatay jilaaga caanka ah ee Leonardo DiCaprio wuxuuna filimkaan Box Office ka gaaray guul weyn asigoona soo xareeyay 392 Million waxaana xusid mudan in filimkaan la daawaday 2013dii lagu qarash gareeyay 100 Million.

Margot Robbie oo ka sheekeynaysay dhacdo qabsatay markii filimkaan la duubaayay ayaa waxay tiri; “mid kamid ah muuqaalada waxay aheyd inaan muuqaalka ku matalo gabar kicineyso dareenka Leonardo dabcan goobta lagu duubaayay muuqaalka oo qol waasac aheyd waxaa ku sugnaa 27 nin wax dumar ahna ma aysan joogin goobta”

Margot Robbie oo hadalkeeda sii wadato ayaa sheegtay in ay cabsi xoogan dareentay waayo goob ay ku suganyihiin 27 nin oo aysan wax dumar joogin inaan isku qaawiyo misna ku muujiyo fal kicin kara dareenka ninkasta oo qolka ku jiro cabsi ayay igu abuurtay waxayna kamid tahay tijaabooyinkii ugu adkaa ee nolosheyda fanka”.

Margot Robbie oo 29 jir u dhalatay asal ahaana kasoo jeedo wadanka Australia ayaa sidoo kale wax ka jisho taxanayaasha waxayna inta aysan Hollywoodka kusoo biirin kasoo muuqataya taxanayaal badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here