Neslihan Atagulu waa atariisho turki ah waxayna caan ku noqotay magaca Nehan waxeyna ku yeelatay taxanaha Kara Sevda kaasoo ay shaashada kala soo muuqatay jilaaga weyn ee Burak Ozcivit iyadoona ku caanbaxday magacii ay taxanahaas ku jileysay ee Nehan.

Neslihan waxay dhalatay 20kii Agoost 1992dii haatana waa 26 jir magac iyo maamuusba kuleh daafaha caalamka iyo gudaha Turkigaba.

Taxanihii ugu horeeyay ee ay kasoo muuqatay wuxuu ahaa taxanaha caanka ah ee Yaprak Dokumu kaasoo socday 2006 ilaa 2010kii wuxuuna kamid yahay taxanayaasha ugu waqtiga dheer.

Neslihan waqtigaas aad ayay u yareyd waxayna taxanahaas ku laheyd door caawiso ah iyadoo taxanihii ugu horeeyay ee ay hogaamiso uu ahaa taxanaha Canim Babam kaasoo soo baxay 2011dii hase yeeshee horay ayuu ka fashilmay mana uusan sii soconin.

Kadib waxay markale hogaamiye ka noqotay taxanaha Hayat Devam Ediyor kaasoo asna socday 2011dii ilaa 2012dii balse guushii laga filaayay ma uusan gaarin.

Ugu dambeyn Neslaham ayaa ku guuleysatay sanadkii 2013dii in taxanihii ugu horeeyay ee ay hogaamiye ka tahay guul gaarsiiyo kadib markii ay musalsakii Fatih Harbiye kala soo muuqatay aktarka Kadir Dogulu iyadoona ku jishay doorka Neriman waxayna taxanahaas isku barteen ninka haatan qabo ahna aktarkii taxanahaas ee Kadir Dogulu iyagoona ugu dambeyn 2016dii aqal galay.

Guushii ugu weyneyd ee ay Neslihan ka gaarto fanka waxay aheyd markii ay shaashada la wadaagtay jilaaga Burak Ozcivit isla markaasna kala soo muuqatay taxanaha guusha taariikhiga gaaray ee Kara Sevda 2015-2017 waxayna taxanahaas ku jishay gabar taajirad ah oo jaceyl u qaadeyso wiil qoys faqiir kasoo jeedo balse dan iyo duruuftaba isku diidayaan.

Neslihan oo taxanahaan loo yaqaano magaca ay caanka ku tahay ee Nehan ayaa si layaqaano uga baxsatay iyadoo aanan marnaba la ilaawi Karin qeybtii koowaad ee taxanahaan oo ay si classic ah ula jishay aktarka musalsalka ee Kemal.

Kadib taxanahaas guusha gaaray Neslihan waxay jishay taxanaha Dip hase yeeshee wuxuu noqday mid gabi ahaantiisaba burburay asigoona kaliya la jilay 8 xalqo.

2018dii Neslihan wax taxane ah kama soo muuqan waxayna haatan jileysaa taxanaha Sefirin Kizi kaasoo bilowday dabayaaqadii sanadkii hore ee 2019ka gaar ahaan bisha November waxayna la wadaa jilaaga Engin Ekyurek waana taxane cajiib ah sidoo kalana gudaha Turkiga siweyn looga daawanayo.

Taxana Sefirin Kizi ayay neslihan ku jileysaa doorka Nari taasoo ah gabar godob badan laga galay godobtaasoo ay ka galeen aabaheed iyo jaceylkeedaba maadaama ay rumeysan waayeen kufsiga uu u geystay nin cadowgeeda ah.

Taxanahaan ayaa haatan xalqadiisii 7aad maraayo asigoona gudaha Turkiga iyo daafaha caalamkaba siweyn loogala socdo.

Dhanka kale Neslihan waxay kamid tahay haatan atariishooyinka ugu qaab jiliinka wanaagsan sidoo kalana loogu jecelyahay waxaana intaas usii dheer in ay kamid tahay atariishooyinka lacagaha ugu badan taxanayaasha ku jilaan.

Neslihaan ayaa halkii xalqo ee taxanaha gabadhii safiirka haatan ku jisho 140,000 oo liiro taasoo u dhiganto qiyaastoo 25,000 oo dolar taasoo ka dhigan in isbuuc kasta qaadato $25,000 waana lacago aad u badan.

Nehan doorkeedii ugu cajiibsanaa mudadii ay fanka ku jirtay waxaa lagu sheegaa inuu yahay taxanaha kara Sevda oo ay la waday Burak Ozcivit waliba doorkeeda Nehan wali jamaahiirta siweyn u jecelyihiin.

Neslihan haatan waa marwo la qabo waxayna u dhaxdaa jilaaga Kadir Dogulu kaasoo ay isguursadeen sidaan horayba idiinkuugu sheegnay 2016dii.

Hadii aad daawatay atariishadaan taxanayaasheeda qaab jiliinkeeda ku qiimeey 10/1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here