Waa tuma atariishada mudo 24 saac kaliya 5 Million follow ku heshay iyo mudo bil kadib halka ay haatan mareyso.

0
1101

Shakhsiyaadka caanka ah ee aan baraha bulshada qeybta ka aheyn waa yaryihiin siiba kuwa sida weyn loo jecelyahay waxaana shakhsiyaadkaas kamid aheyd atariishada Hollywoodka ee Jennifer Aniston.

Atariishadaan oo kamid ah jilayaasha Hollwyoodka kuwooda ugu magaca dheer ayaa in mudo ah laga dhar sugaayay iney baraha bulshada kusoo biiri doonto balse nasiib wanaag bishii hore ayay Instagramka kusoo biirtay akoonkeedii ugu horeeyayna sameysatay.

Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in 24tii saacadoo ee ugu horeysay ee maalinteeda koowaad ku heshay 5 Million oo Follow waxayna arinkaan ku tusinee sida atariishadaan loo jecelyahay.

Haatan oo ay kasoo wareegatay mudo bil ah maalintii ay Instargamka kusoo biirtay waxay mareysaa oo ka talaabsatay xadkii 20ka Million ayadoona dhambaal mahad celin ah jamaahiirteeda la wadaagtay.

Wali horay uma dhicin in hal shakhsi mudo bil ah uu 20 Million Follow ku helo sidoo kalana 24 saacadood u 5 Million ku helo wuxuuna rikoorkaan u gaar yahay atariishada Hollywoodka ee Jennifer Aniston.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here