Waa tuma atariishada nasiibka leh ee Burak Ozcivit kala soo muuqan doonto taxanaha sida waalida loo sugaayo oo Dirilis Osman?? sawiro.

1
310

Taxanaha weyn ee Dirilis Osman waa seasonkii 6aad ee taxanaha hirgalay ee Dirilis Ertugrul kaasoo 5 tii season ee hore guulo taariikhi ah gaareen waxaana haatan loo badalay magaca Dirilis Osman asigoona hogaamiye looga dhigay Burak Ozcivit.

Hadaba waxaa baryahaanba isha lagu haayay gabadha nasiibka leh ee Burak Ozcivit shaashada kala soo muuqan doonto iyadoo ugu dambeyna si rasmi ah loogu dhawaaqay hadaba gabadhaasi nasiibka leh waa tee?

Aslihan Karalar waa atariisho dhalin yar taasoo sanadkii 2017dii ku guuleysatay best Model of Turkey ayaa loo magacaabay iney taxanahaan atariisho ka noqoto iyadoona jaceyl shaashada kula wadaagi doonto Burak Ozcivit.

Aslihan ayaa haatan waxaa u socdo tababar dhinacyo badan taabanayo sida fardo fuulka cunto karinta iwm waxaana lagu wadaa in taxanaha loo diyaariyo kadibna duubistiisa toos u gasho.

Taxanaha Dirilis Osman ayaa haatan ah taxane siweyn loo sugaayo waxaana xiisaha taxanahaan kor usii qaaday kadib markii Seasonkaan hogaamiye looga dhigay jilaaga weyn ee Burak Ozcivit kaasoona ah jilaaga ugu shacbiyada balaaran turkida.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here