Home » Nolosha Jilaayaasha » Waa Tuma Atiriishada Uu Tiger Shroff U Dhimanaayo Inuu Mar Uun Shumiyo Isaga Ayaa Inoo Sheegaya!!

Waa Tuma Atiriishada Uu Tiger Shroff U Dhimanaayo Inuu Mar Uun Shumiyo Isaga Ayaa Inoo Sheegaya!!

Jilaaga laga daba dhacay ee hogaanka u haayo dhalinta Hindiya dhanka Action-ka looga haray Tiger Shroff ayaa arin xiiso badan ka dhawaajiyay xili uu barnaamijka Koffee With Karan Season 5 ka qayb galaayay.

Tiger Shroff ayaa banaanka soo dhigay hamuunta uu qabo atirishada caanka ah Deepika Padukone asigoo ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa in xidigtaan shumis la wadaago.

Karan Johar ayaa Tiger Shroff weydiiyay hadii uu booska Ranveer Singh gali lahaa wuxuu Deepika Padukone ku dhihi lahaa.

Tiger wuxuu ku jawaabay “Dabcan hadii aan booska Ranveer galo Deepika Padukone waan shumin lahaa waxaana u sheegi lahaa shumisyadii aan filimka Befikre ku sameeyay inuu ka qiimo badan yahay midka aan iyada siinayo!”

Dabcan Tiger Shroff arin xiiso leh ayuu ka  dhawaajiyay sidoo kalena xidigaan kaftanka Bollywood-ka dhinaciisa ayuu ka bartay, waxaana la sugi doonaa hadii ay Deepika Padukone usoo jawaab celin doonto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *