Inta badan atirishooyinka Bollywood ka waxay dhawaanahan xiiseeyaan kasoo muuqashada aflaanta Koonfur Hindiya laga leeyahay madaama fankooda siweyn u hormay balse atirisho ka tirsan Bollywood ka ayaa iska diiday Superstar Ajith Kumar inay shaashada kala soo muuqato.

Atirishada Urvashi Rautela ayaa sheegtay in Ajith Kumar filimkiisii ugu dambeeyay Ner Konda Paarvai ee 100 Crore ka badan soo xareeyay guusha weyna gaaray iska diiday inay door muhiim ah ku yeelato.

Urvashi ayaa sheegtay in firaaqo u weesay sameynta Ner Konda Paarvai sidoo kalena aysan ka xumeyn Ajith filimkiisa inay kasoo muuqan weesay xili ay mashruucan xiisaha badan reer Tamil xidigtan kusoo dhaweyn lahaayeen.

Urvashi Rautela oo 25 jir ah waxay kusoo caan baxday filimkii Singh Saab the Great (2013) oo ay Sunny Deol la sameesay kadibna aflaan kala duwan ayay sameesay waxaana ka mid ah Sanam Re (2016), Great Grand Masti (2016) iyo Hate Story 4 (2018).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here